DF oo Deni oo ku eedeysay inuu ku kacay xadgudub wayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hortimid tallaabo uu qaaday madaxweynaha maamulka Puntland, kadib markii uu ku dhowaaqay dhismaha hay’adda aqoonsiga Puntland ee ((PID), taas oo uu ka garab dhisay hay’adda qaran ee NIRA.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabada uu qaaday Deni ay tahay mid baalmarsan qaanuunka dowladnimada, uuna ku kacay xadgudub qaran oo wayn.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ujeedada ugu wayn ay tahay mid uu Saciid Deni ku carqaladeynayo aqoonsiga qaran ee dowladda fedaraalka oo uu haatan kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo wayn.

“Tallaabada uu qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka DF, waa qalad masuuliyadeed iyo mid sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeysa hannaanka dowladnimada dalka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kaarka aqoonsiga ee NIRA uu yahay mid ay xaq u leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya, isla markaana aan laga hor istaagi karin qaadashiisa.

“Aqoonsiga Qaranku waa xaq muwaadin, mana bannaana in laga hor istaago, amaba laga carqaladeeyo” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu ku boorisay Puntland in ay si qaranimo ah uga qayb qaadato hirgelinta aqoonsiga qaranka, si ay uga faa’iideystaan shacabka maamulkaasi.

Horay Puntland ayaa u diiday kaarka aqoonsiga, iyada oo xittaa ka hortimid dhismaha hay’adda NIRA ee dowladda federaalka, waxayna kadib sameysatay hay’ad gaar ah.

“Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID). Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay” ayaa lagu yiri xeer madaxweyne uu oo dhowaan soo saaray madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.