Dowladda oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee la billaabayo shidaal qodista Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo bilaabi doono bisha April ee sanadka soo socda qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Xil. Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo wareysi siiyay telefishanka dowladda ayaa sheegay in xilligaas uu bilaabi doono Turkiga shidaal qodista.

Sidoo kale waxa uu sheegay in soo saarista shidaalka ay tahay meesha keliya ee Soomaaliya uga bixi karto faqriga, korna loogu qaadi karo dhaqaalaha dalka.

“Dowladda Turkiga si dardar leh ayey ku wadaa inay muddo kooban kusoo gaba-bagayso shaqada ka horraysa qodista,” ayuu yiri wasiirka batroolka oo xusay in illaa 13 xirmo oo ku yaalla gudaha badda laga sameynayo shidaal baarista.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu jiro heshiis ay dowladda la gashau shirkad laga leeyahay Qatar, taas oo shidaal ka baari doonyo illaa saddex goobood oo dhinaca barriga ah oo Afgooye oo wax badan ka fogeyn caasimadda dalka ee Muqdisho.

“Illaa afar shirkadood ayay dowladda heshiis kula gashay shidaal baarista badda gudaheeda ah,” ayuu yiri wasiirka, isaggoo sheegay in goobaha shidaalka laga baarayo ay ku yaallan goobaha Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in badda Soomaaliya ay ku yaallaan in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.