DF oo shaacisay xogta howlgallo lagu laayey Al-Shabaab iyo geerida Horjooge Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay fuliyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Khawaarij ah, halka 29 kalana lagu dhaawacay, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda.

“Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow, isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxay Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka uga hortageen maleeshiyaad isku abaabulayay oo Shabaab ah.

“Yaaqle waxaa lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii lagu howlanaa abaabulkoda, iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan oo aad u badan,” ayaa lagu yiri warkaan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa saakay sheegtay in howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah oo labo horjooge ay ku jiraan.

“Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda,” ayaa lagu yiri warkaan saakay ay soo saartay dowladda Soomaaliya.

Labada Horjooge ee Qeycad lagu dilay ayaa kala ah Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijta ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jamhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

“In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda,” ayaa lagu yiri warkii saakay ka soo baxay dowladda ee kan caawa ay soo saartay ka horeeyey.