DF oo soo saartay hab raac wax ka bedelaya qiimihii laysanka darawalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo saartay Habraac cusub oo wax badan ka  badalaya qiimihii hore ee Laysinka Mootada uga bixijiray Darwalada Gaadiidka Bajaajka ku shaqeysta.

Iyadoo maalmihii danbe ay aad isusoo tarayeen Cabashada Dhalinyarada Mooto Bajaaj-ka, isla markaana ay dhigeen Banaanbaxyo waaweyn oo ay kaga cabanayeen in lagusoo rogay Lacago xad dhaaf ah oo looga qaado siyaabo kala duwan.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa ka jawaabtay cabashadii Dhalinyarada, iyadoo Agaasimaha Guud ee wasaaradaas uu horeay u sheegay in aysan ka warqabin lacagaha dheeraadka ah ee laga qaado Bajaaj-leyda, ayna tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan ciddii ku xad gudubta dhallinyarada.

Wasiirka wasaaraddda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ka hadleysay isbadalka la sameeyey ayaa sheegtay in tallaabadaan la qaaday iyadoo la fiirinayo xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaan kusoo koobnay 106.5 Dollar inay tahay qarashaadka uu Leysinka ku qaadan karo darawalka Mooto Bajaajta waa marka uu darawalka cusub yahay” ayey tiri wasiirka oo la hadleysay warbaahinta.

Wasiir Fardowsa ayaa intaas ku sii dartay “Waxyaabihii kale dhan waa lasoo jaray, caafimaadkii waxbaa laga jaray, iskuulada darawalnimada lagu barto waxbaa laga jaray, CID lacag baa laga jaray, wixii oo dhan 106.5 Dollar ayaa lagu soo koobay”.

Waxay sidoo kale sheegtay in qofka uu Leysinka ka dhaco kaliya laga rabo inuu soo maro caafimaadka Indhaha iyo inuu warqdda dambi la’aanta kala yimaado CID.

Sidoo kale wasiir Fardowsa ayaa sheegtay in qofka uu ka lumo Leysinka kaliya laga rabo inuu warqad kala yimaado saldhigga booliska ee u dhow, haddii la waayo Leysinkana kaliya laga rabo 20 Dollar si mid cusub loogu daabaco.

Sidoo kale agaasimaha guud wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali Xasan oo isna saxaafadda ka hadlay ayaa sheegay inay mar walba garab taagan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada waa kuwa waalidiintooda ku quudinaya wixii ay Bajaajta ka shaqeystaan, aniga sideedaba waxaan taageersanahay dhallinyarada, dhallinyarow dalkiina iyo dadkiina ayaad u shaqeysaan, muwaadiniin Soomaaliyeed ayaad tihiin wixii idinka haleysan anagaa idin hor kaceyna, haddii ay banaanbax tahay anagaa idin hor kaceyna, haddii ay sharci tahayna anaa diyaar idiin ah, wixii cabasho ah oo aad qabtaan wasaaradda gaadiidka u soo gudbiya,” ayuu yiri Agaasime Bashiir Macalin.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan Karin in dhallinyarada leysinka rabto lagu xujeeyo 300 Dollar, isagoo xusay in dhallinyarada aysan aawoodin inay lacag intaas la eg bixiyaan.

“300 Dollar qof dhallinyaro ah oo Maalintii 10 Dollar bajaaj ka shaqeysanayo ma bixin karo, waxaan leenahay dhallinyarow isdajiya culeys walba oo aad la kulanteena waan idinla qaadanay garabkiina ayaana taaganahay, anaga ayaana sharciga geyneyna cidda dulmiga idinku sameysay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaale oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin 70% dadka Soomaaliyeed isla markaasna ay tallaabo ka qaadi doonaan askarta dhibaatada ku heysa.

“ Askarigii lagu arko isagoo gacma gacmeysanayo dhallinyarada Bajaaj-leyda ciddii uu doono ha ahaadee waa lala xisaabtamayaa, waxaana lala tagayaa maxkamad, mana loo dulqaadanayo, haddii darawalka mootada la qabto isagoo Leysin la’aan ah waxaa ganaaxa laga dhigay 5 Dollar oo kaliya, halkii ay ka aheyd 50 Dollar” ayuu yiri  Madaale.

Hoos ka daawo