DF oo wada qorshe culus oo dalal kale ku qasbaya arrin faa’iido u ah bulshada Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay wado qorshe culus oo dalalka kale ee aan ka helno badeecadaha ku qasbaya in iyagana loo dhoofiyo wax soo saarka dalkeenna.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa shaaciyay qorshahan cusub ee dowladda ay wado.

Waxa uu sheegay in dowladda ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada.

Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dalka dibaddiisa, halkii ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale.

“Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nuucyada miraha khudaarta, sidaa daraadeed waxaa dalalka kale lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiiri-galinta wax soo saarka gudaha dalka, si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka.

Waxa uuna dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalka soo saari karo iyo waxa uusan soo saari karin, si loo horumariyo wax soo saarka dalkeenna.