DF oo war culus kasoo saartay imaatinka MASAR kadib hubkii ay lasoo degtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay imaatinka Masar oo si toos ah usoo caga dhigtay gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka & Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay tahay dal xor ah, isla markaana cid kale aysan u daba fariisan doonin arrimaheeda gaarka ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka ay doonto ay la macaaleyso, ayna kasoo gudubtay marxaladdii wax loo meerin jiray sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay iyadu leedahay go’aanka xulashada dalka ay la macaalimeyso, Masarna ay iyadu dooratay, sidaaasna ay ku timid Soomaaliya.

“Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno. Gobanimo!” ayuu mar kale yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay dekedda Muqdisho uu soo gaaray markab siday hub culus oo ka yimid Masar, kaas oo baabuur waawayn looga soo daabulay, waxaana la geeyay wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale ee lagu kaydiyo hubka dowladda.

Tallaabooyinkan ayaa sii hurinayo xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyada oo haatan laga digayo in Soomaaliya ay ku dagaalamayaan dowladaha Itoobiya iyo Masar.