DF oo war rasmi ah ka soo saartay khasaaraha dagaal maanta lagu laayey Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dagaal galabta lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne, halkaas oo lagu weeraray Shabaab is uruursanayey.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta DF:

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan.

Dhanka kale, maalmihii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed waxay cadowga jab xoogan ku gaarsiiyeen deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka kuwaas oo hadda shacabka ku nool ay gaartay neecawda dowladnimada.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeena, dadkeena iyo diinteena.