DF oo xog cusub ka bixisay hubkii lagu boobay Caabudwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hubkii sharci darrada ahaa ee dhowaan lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud uu muddo yaallay deegaanno dhaca dhinaca Itoobiya

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka & dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo maanta hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka oo su’aallo laga weydiiyay hubkaan, ayaa sheegay in dad ganacsato ah ay halkaasi ku hayeen muddo.

Hubkan ayaa maalmo lagu hayay deegaanno dhaca dhinaca Itoobiya, ayada oo markii dambe ganacsatadii gacanta ku hayay ay usoo gudbiyeen gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hubkaasi u gacan galay reerka Caabudwaaq degen, ayna dowladda u dirtay halkaasi wasiirka amniga si wax looga weydiiyo arrintaasi, si hoos loogu dhigo walaaca ka dhashay hubkaasi gacanta u galay dadka shacabka.

Dhinaca kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka jawaabay su’aallo laga weydiiyay dagaal beeleedyada, doorashada dadweynaha, aqoonsiga muwaadinka iyo kuwo kale oo quseeya howsha wasaaraddiisa u xilsaaran tahay.

Waxa uu sheegay inay door muuqda ka qaadatay wasaaradda sidii loo kala dhex-geli lahaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhex-martay, islamarkaana ciidamo kala dhex-gala goobihii ay ku dagaalameen ama isku horfadhiyaan.

“Wasaaradda waxay kaashataa duubabka dhaqanka iyo dowlad-goboleedyada si loo helo awood mideysan oo si wada-jir ah looga hortagi karo (dagaal beeleedyadaasi),” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in xal u helista arrintaan u kaashadaan dhaqanka.