Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la gashay hay’adda Global Center for Climate Mobility, waxaana heshiiskan saxiiday wasiirka deegaanka iyo isbeddalka cimilada Marwo Khadiija Al-Makhzoumi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda deegaanka ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan uu la xiriira raadinta xalka waara ee adkeysi u leh Soomaaliya.
“Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.
Sidoo kale iskaashigan cusub wuxuu ahmad siinayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.
Waxaa kale uu heshiiskan uu maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.
Wasaaradda deegaanka ayaa muddooyinkan wadday dadaallo guud oo hormarin ah, waxaana wasiir Khadiija ay soo gashay dhowr heshiis oo muhiim ah.
Hoos ka daawo saxiixa heshiiska iyo sawirrada:-