DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo loogu abaal gudayo Suudaan – Maxay tahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siineyso ardayda dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Suudaan ee haatan.ku nool gudah Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeenna oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada.

“Dowladda Suudaan waxa ay kamid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda XFS Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa isna maanta la kulmay ku-simaha safiirka Suudaan ee Soomaaliya Amb. Ammar Axmed Babiker.

Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.

Labada dhinac ayaa waxay adkeeyeen muhiimadda xiriirka laba geesoodka ah iyo wada-shaqeynta arrimaha labada dal danaynayaan.

Sidoo kale waxaa la isla fallan-qeeyey xaaladda gobolka iyo tan caalamka, gaar ahaan xaaladda Suudaan, iyada oo wasiir Fiqi uu muujiyey taageerada buuxda ee Soomaaliya u hayso shacabka Suudaan.