DF Soomaaliya oo soo faro-gelisay xiisadda ka taagan Ceerigaabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo bayaan culus soo saartay ayaa ka hadashay xiisad horleh oo haatan kasoo cusboonaatay degmada Ceerigaabo iyo agagaarkeeda ee gobolka Sanaag, taas oo dhalisay khasaare xoog leh.

Xiisadda oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa isku rogtay dagaal shalay ka dhacay halkaas oo lagu dilay ugu yaraan illaa 5 qof.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in si dhow ay ula socoto colaadda halkaasi ka taagan, ayna aad uga xun tahay.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  XFS waxay so dhow ula socotaa xiisadda ka taagan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag iyo deegaanada ku dhow, iyadoo nasiib darro u aragta khasaaraha xanuunka badan ee ka dhashay”ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay inay doorkeeda ka qaadan doonto sidii loo joojinlahaa dhiigga daadanaya, si looga hortago colaad horleh.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS waxay diyaar u tahay in ay ka gaysato wax alle wixii kaga aadan sidii loo heli lahaa xal waara oo ku dhisan wada-hadal iyo is-faham” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh uu xiriir toos ah la sameeyay maamulka iyo dadka deegaanka, uuna ka hadlay joojinta dagaalka, si loo ilaaliyo nabadda iyo xisiloonida ka jirta halkaasi.

Wsiirka ayaa ugu baaqay waxgaradka deegaanka oo ay ugu horreeyaan culimada inay u istaagaan xallinta xaaladaha kasoo kordhay aagga degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanag.

Somaliland oo dhankeeda ka hadashay waxa ay sheegtay in xiisaddan ay ka dambeeyaan  kooxo cadow ku ah bulshada oo doonaya inay ka horkeenaan maamulkooda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqaysaa dadka walaalaha ah ee degaanada koonfurta gobolka Sanaag ee ay  shalay shaqaaqadu ka dhacday in ay nabadda ilaaliyaan, kooxaha cadawga ku ah nabadda ee bulshada iska horkeenayana ay meel uga soo wada jeestaa” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland.