DF Soomaaliya oo soo saartay dalab culus oo ka dhan ah Israel kadib dilkii Haniya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay soo saartay warsaxaafadeed ayaa si kulul u cambaareysay dilkii loo gaystay Allaha u naxariistee hoggaamiyihii garabka siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya, waxaana dowladdu ay soo jeedisay dalab culus oo ka dhan ah Israel oo lagu eedeeyay inay beegsatay hoggaamiyahaasi, xilli uu ku sugnaa magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran.

Warqad ku qorneyd luuqadda Carabiga oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dilka Ismaaciil Haniya uu ka hor imaanayo shuruucda caalamiga ah, isla markaana uu yahay mid xad-gudub ah oo ay gaysatay Israel.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in dilkan uu sare u qaado xiisadda culus ee haatan ka jirta bariga dhexe oo laga cabsi qabo inay dagaal isku sii rogto.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii Arbacadii shalay ay Israel ku dishay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, Alle ha u naxariistee, oo ka dhacay caasimadda Iran ee Tehran, taasoo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo bini’aadantinimada, ayaa lagu yiri warqadda.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Soomaaliya waxa ay ka cabsi qabtaa in ay sii kororto xiisadda ka taagan bariga dhexe, taasi horseedi karta xad gudubyo hor leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debadda.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedkaa. agu sheegay in dilalka siyaasadda ee ay fulineyso Israel ay sababi karaan rabshado iyo in ay sii kororto Xiisadda ka taagan bariga dhexe.

Dowladda federaalka ayaa u jeedisay beesha caalamka dalab culus oo ku aadan in tallaabo deg-deg ah laga qaado maamulka Israel.

“Beesha caalamku tallaabo degdeg ah ka qaado Israel s loo joojinayo weerarada gardarrada ah ee Gaza iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay”ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa ugu dambeyntii tacsi loogu direy dowladda Falastiin iyo shacabkeeda iyo qoyska Ismaaciil Haniya iyo saaxiibkiisii  Allaha u wada naxariistee.