Labo hoteel oo dhismayaal iyo adeeg toolmoon leh ayaa muraayadii Qaranka ee Muqdisho lagu soo kordhiyay. Labada Hotel waxa lakala yiraahdaa Dolphin “Hoonbaro” & Doorbin “Xoqad ama Toorabiin”. Dhabtii waa wax lagu farxo, istaahilana in la dhiiri-geliyo dadka Soomaaliyeed ee u bareeray maalgashiga Dallka hooyo oo ay xaaladiisu waxoogaa soo hagaageyso.
Magac bixinta iyo Soomaalida
Siday Taariikhdu na bareyso Soomaalidu waa dad niyad fiican had iyo jeerna is badbadela oo la jaanqaada hadba wakhtiga ku xeeran. Waagii hore ee Af-Soomaaligu uu tabarta weyn lahaa magac bixinta hotelada waala Soomaaliyeyn jiray sida; Jubba, Shabelle, Naaso-hablood, Weheliye, Hotel Lafweyn, Qiilmawaaye, IWM. 1974 markii ay Soomaaliya ku biirtay Jaamacadda carabta waxaa Soomaaliya ka hirgelay hanaankii carabeynta Soomaaliya, waxaana bilawday magacyada Al-Furqaan, Maa Shaa Allaah, Anzal, Fatxi, Caynu Shamsi, Makkah Al Mukarammah, Mubarak iyo wixii la hal maala.
Intii jahwareerku ka taagnaa Dalka gaar ahaana Muqdisho magac bixinta hoteelada waala isku dhex watay Soomaali, Ingiriis & Carabi sida; Amiira, Ambassador, Saxafi, Peace Hotel, Hotel Global, Hotelka Shaamow, Abuu Hureyra iyo kuwo kale.
Haatan sida ay jiirooniga magac bixinta hoteelada casrigaa ah ay ku bilaabeen Dolphin “Hoonbaro” & Doorbin “Xoqad” waxaad mooddaa in la gaaray wakhtigii ingiriiseynta ama caalamiyeynta magac bixinta Hotelada Soomaaliya. Magacyada ay dhici karto in dhagaheenu ay maqlaan maalmaha ina soo aaadan waxaa kamid ah; Umbrella Hotel, Ocean Hotel, Mogadishu Palace (Not City Palace), Crown Hotel, Grand Hotel, Park Hotel, Queen Hotel, Safari Hotel, Royal Hotel iyo kuwa kaleba.
Haddii dalku nabad buuxda noqdo oo la dhameystiro hay’adaha dowladda iyo bixinta adeegga bulshada waxaaba dhici karta in dalkeena ay yimaadaan oo ay maalgashadaan shirkado iyo ururo caalamiya kadibna Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalkeena ynu ku aragno Hotelada Millennium, Hyatt, Hilton, Sheraton, Intercontinental, Marriott, Double Tree, Raddison, Serena, Kempinski, Movenpick, Holiday Inn, Crown Plaza iyo wixii la halmaala.
Ugu dambeyn, waxaa jira labo aragti oo ay midna leedahay aan xoojino magac bixinta Af-Soomaaliga oo hotelada ay dadkeenu dhisnayaan aan u bixino magacyo Soomaali ah si uu Afkeenu ula tartamo Afafka kale ee Carabiga iyo Ingiriiska. Halka aragti kalena ay oranayso aan ka gudubno cunsuriyeynta luuqadaha oo dalkeena halaga wada helo hoteelo iyo adeeg bixiyayaal kale oo leh magacyo carabi iyo ingiriis ah si aan ula jaanqaadno ilbaxnimada ka hirgashay dalalka caalamka.
Haddaba akhristoow adigu dhinacee tahay ma Soomaaliyeynta, Carabiyeynta, mise Caalamiyeynta?
W/Q Abdiqafar Shire