Dibad-bax ballaaran oo ka dhacay Guriceel + Sawirro

Guriceel (Caasimada Online) – Shacab taagersan hoggaanka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ayaa maanta magaalada Guriceel ka dhigay banaanbax ay ku macneeyeen inuu yahay mid nabadeed.

Banaanbaxa oo billowday salaaddii jimcaha kadib, ayaa waxaa ay ku taageerayeen mowqifka hoggaanka Ahlu-Sunna ay ka qaateen dhismaha Galmudug,

Dadka dibad-baxa dhigayey ayaa watay sawirrada hoggaanka Ahlu-Sunna, oo dowladda Soomaaliya ay isku hayaan dhismaha Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb galay banaan-baxa oo culimo u badnaa ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in la dhowro wadajirka bulshada reer Galmudug, isla markaana dowladda ay fuliso heshiiskii ay la gashay Ahlu-Sunna.

Dhismaha maamulka Galmudug ayaa dhowr maalmood ka hor dib loo dhigay muddo toddobaad ah, ayada oo la isku dayayo in la xaliyo khilaafka dowladda iyo Ahlu-Sunna.

Qodobka ugu adag ee hadda la isku hayo ayaa ah 35 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka cusub ee Galmudug oo Ahlu-Sunna ay dooneyso inay soo xusho, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii ay la gashay dowladda, balse dowladda ay ka baxday.