DOOD: Maxay kula tahay arrintan?

Washington DC (Caasimada Online) Jimco wanaagsan dhammaan akhristayaasha Shabakadda Caasimada online ee kala jooga adduunyada oo dhan.

Doodda toddobaadkan waxaan uga hadli doonaa shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Brussels ee looga hadlaayay arrimaah Soomaaliya.

Sida intiina badan ay la socdaan waxaa toddobaadkan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ka dhacay shirweyne looga hadlaayay dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 50-dowladood iyo hey’aaddo caalami ah, kuwaasoo goobta ku yaboohay dhaqaale badan.

Shirkan marka laga soo tago beesha caalamka, waxaa kaloo ku sugnaa qaar ka mid ah madaxda maamul gobaleedyada dalka sida Puntland iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Jawaab ma u heysaa su’aalahan?

Akhristow, haddaba shirkaas muxuu uga badalnaa shirarkii horey loogu qabtay Soomaalida?

Ma islee dahay dhaqaalaha lagu ballan qaaday waa lawada heli doonaa?

Dowladda iyo maamulada ka jira dalka siddii ayey u qaybsan doonaan?

Soomaalida siddee ayey uga faa’ideesan doonaan taageerada beesha caalamka?

Beesha caalamka ma ka dhabeen doonaan bixinta dhaqaalaha ay u ballan qaadeen dowladda?

Maxaa ku dhaqan waddamada carabta oo dhaqaalaha shirka looga dhawaaqay ay wax yer ku lahaayeen, inta badana waxaa bixiyay waddamada Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC