DF oo war ka soo saartay eedeynta xildhibaannadii lagu dhibaateeyay Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in lagu dhibaateeyay magaalada Nairobi.

Xildhibaanada ayaa sheegay in askarta loo yaqaanno ‘dharcadka’ ay gaari ku qaateen iyaga oo looga digay in ay ku guda jiraan arrimo ka dhan ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun tahay in laba kamid ah xubnaha baarlamanka federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxay si xooggan u beenisay wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan,” ayaa lagu yiri bayaankan oo ay baahisay warbaahinta dowladda.

Dowladda ayaa xubnahaasi kula talisay inay la xiriiraan laamaha ammaanka ee Kenya, si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen, maadaama ay waajib ka saaran tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan.

“Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin, waxaana xubnaha baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.”

Axmed Kooshin iyo Xasan Cabdinoor oo ah labada xildhibaan ee mudada kooban xorriyada looga qaaday Nairobi ayaa waxay sheegeen in raggani ay ahaayeen kuwo ku socday sifo qaldan oo aaney dowladda Kenya wax ka ogeyn balse lasoo adeegsaday, ayna dhacdadan kula laabanayaan dowladda Soomaaliya, taasi oo ay maanta beenisay dowladda.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale waxay sheegeen in aysan isku ogeyn wax cad ama dambiya marka laga soo tago waxyaabo ay sheegeen inay ku dhaliilsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya.