Dowladda Xasan oo looga digay khiyaano qaran xilli u furmayo wada-hadalka Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Xasan Sheekh ayaa waxaa looga digay inay ku kacaan khiyaano qaran xilli uu magaalada Ankara uu maalinta berri ah ka furmayo wejiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wada-hadalkan oo uu garwadeen ka yahay Turkiga ayaa la filayaa in lagu soo afjaro xiisadda labad dal ee ka dhalatay is-afgaradkii badda, waxaana isa soo taraya walaaca in dowladda federaalka ay dabac u muujiso damaca Itoobiya, haddii ay ka laabato is-afgaradkii Somaliland.

Maryan Faarax Kaahiye oo ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan Sheekh uga digtay in dowladdiisa ay aqbasho helitaanka badda Soomaaliya.

“Waxaan ka digayaa in maanta Itoobiya lasiiyo Qayb kamida Badda Soomaaliya; waxaan digniintaas u dirayaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaartay Midnimada Shacabka, dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya,” ayey Maryan ku tiri qoraal ay soo saartay.

Waxay intaas kusii dartay “Soomaaliya waxaa ku filan Itoobiyo oo ku soo deysa “10 Million Oroma” ah, marka haddaad maanta Itoobiya u oggolaato baddaada u diyaargarow gumeysi iyo xaqiijinta riyaddii Itoobiya ee boqolaalka sano.”

Inkasta oo dowladda federaalka ay meel adag iska taagtay in Itoobiya qaadatay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, haddana waxaa suurta-gal ah in Itoobiya loo ogolaado sidii ay kusoo gaari laheyd biyaha caalamiga ah ama haddii aan si kale u dhigno loo ogolaado deked ay adeegsato.

Hoos ka aqriso qoraalka Senator Maryan

Sida la wada ogyahay, collaadda hadda ka dhextaagan Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid ka dhalatay Isafgaradkii Abiye Axmed iyo Muuse Biixi.

Arrinkaas waxaa looga dooday Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS,kaddibna waxaa la geeyey Golaha Shacabka oo go’aan cad kasoo saaray.

Shalay ilaa maanta waxaan maqlayaa Turkey ayaa Heshiis dhex-dhexaadin ah Soomaaliya u keentay,oo Soomaaliya ayaa Itoobiya siinaysa Dhul-badeedkeeda(Saylac). Waxaan la yaabanahay sida fudud ee Madaxda Qaranku u wajahayaan Masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ka digayaa in maanta Itoobiya la siiyo Qayb kamida Badda Soomaaliya; waxaan digniintaas u dirayaa Madaxweyne Xasan Shiikh oo u dhaartay Midnimada Shacabka, dhulka, cirka iyo badda Soomaaliya. Waxaan uga digayaa xitaa haddii Itoobiya ka laabato Is-afgaradkii(MOU), waa in aan sinaba looga aqbalin helitaanka Badda Soomaaliya.

Dhanka kale, dib-u-eega Biyo xireenka Wabiga Nile(Grand Ethiopia Renaissance Dam) oo Itoobiya Xoog iyo xeelad ku bilowday 02 April 2011,diiddey in ay Masar iyo Suudaan kala Xaajooto: maanta xaggee xaalku marayaa-intaas Itoobiyo shaqada hoos ayey ka wadatey ilaa ay hadda soo gaartey meel aan waxba laga qaban karin.

Maanta Masar Biyo xireenka ma weerari karto, oo hadday sidaa samayso Masar daadad ayaa qaaday, sidaasna waxaa guuli ku raacda Itoobiya.

Soomaaliya waxaa ku filan Itoobiyo oo ku soo deysa “10 Million Oroma” ah, marka haddaad maanta Itoobiya u oggolaato baddaada u diyaargarow Gumeysi iyo xaqiijinta Riyaddii Itoobiya ee Boqolaalka sano.

Waxaa caqliga salimka ah diidayaa in Turkey oo shalay balan qaadday in ay Soomaaliya ka difaacayso Itoobiya ay maanta ku talinayso Bixinta Badda Soomaaliya!!.

Gunaanadkii, waxaan Madaxweyne Xasan Shiikh uga digayaa in uusan gelin khiyaano Qaran;in uusan Badda Soomaaliya ka iibin Itoobiya;in uusan Itoobiya u oggolaan marin-Baddeedka Soomaaliya.

Xildhibaan sharafta leh ee ku dhaartay Kitaabka, waxaan u soo jeedinayaa in ay fadhiga ka kacaan oo maanta Dalkeena bedbaadshaan; waa taarrikh mugdi gelindoonta jiritaankeena ummadeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee qaaliga ah waxaan leeyahay shalay waad diiddeen Is-afgaradkii ee maanta diidda gumeyso iyo in dhulkiina iyo baddiina bilaash lagu bixiyo.

Mar 2-aad, mar 3-aad iyo mar 4-aad, Madaxweyne Xasan waxaan uga digayaa Saxiixidda Qoraal Khiyaano Qaran ah iyo in uu Ummada Soomaaliyeed u horseed Gumeysi-dhuleed!.

RIYADII ITOOBIYA MIYAA RUN KU SOCOTA?