Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr C/raxmaan C/laahi Baadiyow ayaa markii u horeysay maanta ka hadlay dooda ka taagan wada-hadalada fadhiidka noqday ee Somaliland iyo Soomaaliya, isagoona su’aal cajiib ah hor-dhigay reer Somaliland.
Dr Baadiyow ayaa Madaxda iyo bulshada reer Somaliland ee kasoo horjeeda inay furmaan wada-hadaladaasi si toos ah u weydiiyey ‘Arrinta ay Dowladda federaalku ay ka rabto Somaliland?’, maadama lala xiriiriyo in Koonfurtu ay si gaar ah u daneyso wada-hadalada labada dhinac.
“Dadka kasoo jeeda Somaliland oo kasoo horjeeda wada-hadalka waxaan weydiinayaa, maxaad umaleysaan oo koonfurtu idinka rabtaa? Su’aasha kasoo jawaaba, hana ila meereysana ee jawaab toos ah bixiya?” ayey u dhigneyd su’aasha Dr. Baadiyow uu ka dalbanayey inay si toos ah uga jawaaban reer Somaliland.
Dr C/raxmaan Baadiyow ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay dadka kasoo horjeeda inay wada-hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan oo aan weli helin aqoonsi caalami ah.
Baadiyow ayaa tooshka ku ifiyay ictiraafka ay muddada 30-ka sanno ah baadi-goobeyso Somaliland ee weli la’dahay iyo awood darada dowladda dhexe ee ka badan labaatameeyinka sanno.
Waxa kale oo uu dalbaday Baadiyow in laga dhur sugo wada-hadalada labada dhinac wixii ka soo baxa, maadama ay Madaxda labada dhinac ogolyihiin waad-hadaladaasi, ayna hor-yaalan arrimo masiiri ah oo maslaxad u ah umadda.
Dr Baadiyow ayaa sidoo kale ka dalbaday dadka Farmaajo iyo Kheyre ku colaadinaya wada-hadalada labada dhinac inay si qoto dheer uga fikiraan qaddiyad hortaala oo aysan shaqsiyeyn wada-hadaladaasi.
“Waxaa la yaab leh dadka kasoo horjeeda in DFS iyo Somaliland wada hadlaan. Somaliland 30-sano Ictiraaf waa keeni waysay. DFS waa kici la’dahay 20-sano, laga bilaabo 2000. Wada-hadalada wixii kasoo baxa aan sugno, kheyrna urajeeno” ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyow.
Wuxuuna intaas sii raaciyey “Madaxda labada dhinac waa ku heshiiyeen wada-hadalka. Waxaana horyaalla waa qadiyad umadeeda, waana maslaxadda ruux kasta. Si weyn ha ufikireen kuwa raba inay shaqsiyeeyaan qadiyadda. Wada-hadal ayaa soo socda sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi, diyaarna u tahay DFS. Yaan tareenku kaa tegin ee la qabso!”.
Muddooyinkii dambe ayaa waxa si weyn isku soo tarayey baaqyada kala gedisan ee lagu dalbanayey in dib loo furo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo badan hakad ku jira, iyada oo dhowaana ay soo if-baxday qorshe cusub oo uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu isaguna ku wajahayo wada-hadaladaasi, isagoona si gaar ah cadaadis ugu saaraya Madaxda labada dhinac inay furmaan wada-hadalo midho dhala.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, dar-darta cusub ee ka muuqata dib u furista wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waxay dabo socotaa qorshe cusub oo lagu rabo midnimada Soomaaliya, xili ay xubno ka tirsan Somaliland ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan umadd mideysan, midaasi oo gebi ahaanba wiiqeysa dadaaladii ay Xukuumadaha Somaliland ku baadi-goobayeen ictiraafka iyo sheegashadii madax-banaanida.