Dubbe oo weerar ku qaaday – Odowaa “mucaaradnimada dabci xumo ayuu ka qaaday”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo haatan loo doortay Aqalka Sare ayaa markale weerar afka ku qaaday siyaasiga caanka ah xildhibaan Cabdiraxmaan Maxmed (Odowaa) oo ay isku hayaan siyaasad ahaan.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday inuu Odowaa dabeecad xumo ka qaaday mucaaradnimada shantii sano ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa xusay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu dagaal ku jiray sanadihii u dambeeyey, isla-markaana ay ka lumisay dabeecaddii, sida uu hadalka u dhigay.

“Shan sanadood ayuu mucaarad ahaa baahasha mucaaradada la yiraah waa inkaar, marka waxaa iri Cabdiraxmaan 5 sanadood nin dagaal ku jiray hortada beecad fiicnaanaan maayo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay aheyd inuu joojiyo dagaalka, haddii uu ku guuleystay kursiga xildhibaan ee ay horey isugu hayaan Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

“Sababtoo ah ninka marka uu guuleysto ma’aha inuu hadalka dib u eego waa inuu horey u socdo,” ayuu sii raaciyey.

Wasiir Dubbe ayaa marar badan weerar afka ku qaaday Cabdiraxmaan Odowaa, gaar ahaan intii uu ku jiray ololaha doorashada ee Golaha Shacabka, walow uu markale dib ugu guuleystay kursiga HOP#069, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.