Boorama (Caasimada Online) – Maayarka magaalada Boorama, Saleebaan Xasan Xaddi ayaa goordhoweyd si kulul uga hadlay weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday hoygiisa uu ka deganaa magaalada, kaasi oo la rabay in lagu khaarajiyo.
Maayar Saleebaan ayaa sheegay in Ragg hubeysan oo haybtooda aan la aqoon ay weerar ku soo qaadeen xalay gurigiisa, iyagoo rasaas xoogan ay ku fureen darbiga hore ee gurigiisa.
Maayarka ayaa sheegay inay iska caabin weyn Raggaasi hubeysnaa ee soo weeraray ay kala kulmeen Ciidamada ilaalada ka ah gurigiisa, kuwaasi oo fashiliyey qorshihii ay ka lahaayeen weerarka ay kusoo qaadeen gurigiisa.
Sidoo kale waxa uu sheegay Maayarku inaysan wax khasaaro ah ka dhalan rasaastii cusleyd ee ay is weydaarsadeen Dableydii hubeysneed ee soo weeraray iyo Ciidamada ilaalada ka ahaa guriga uu ka dagan yahay magaalada Boorama.
Maayar Saleebaan ayaa sheegay in Laamaha amnigu ay ku wadaan baaritaan weerarkaasi, isagoona xusay in ilaa hadda aan la garaneyn habyta dableydaasi weerarka kusoo qaaday gurigiisa, balse uu warbaahinta la wadaagi doono natiijada ka soo baxda baaritaanka Hay’addaha amniga.
Saleebaan ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay inuusan marnaba joojin doonin Howlaha ay bulshada u hayaan, oo uusan cabsi galin doonin weerarkaasi xalay lagu soo qaaday.
Inkasta oo uu Maayar Saleebaan ka gaabsaday cidda soo weerartay, ayaa haddana sida ay Xogta ku helayso Caasimada Online, in Ragaasi hubeysan ee xalay weeraray guriga Maayarka, ay kasoo jeedaan beel kamid ah labo beel oo dhowaan ku dagaalamay bariga magaalada Boorama.
Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Dableydaasi ayaa Maayarka Boorama ka tirsanaya in uu eex qabiil garab ugu muujiyey beesha kale ee ay isku hayaan dhul-beereed ku yaala bariga magaaladaasi.