Ehellada Sayid-Cali oo war culus soo saaray kadib weerarkii Xabsiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii tooska ahaa ee maanta ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isla markaana ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsiga oo horay dil loogu xukumay ayaa waxaa maanta arrintan war culus kasoo saaray ehellada Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo isna ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Aadeerka Sayid-Cali oo lagu magacaabo Nuur Xirsi ayaa Shabelle Tv u sheegay in wiilkooda uu lasoo xiriiray kadib weerarka ku qabsaday xabsiga, wuxuuna sheegay inuu nabad qabo.

“Wiilka waa nasoo wacay markii ay xabadda bilaaatay ayuu nasoo wacay meesha saas ayaa ka jirto ayuu nagu yiri, waana nabad qabaa” ayuu yiri Aadeerka Sayid Cali.

Sidoo kale Nuur Xirsi ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadan xaaladda Sayid Cali wuxuuna ku jawaabay “Waxaase waa been beentii iyo xaarantii la wadi jiray waayey kow dheh, mana jiraan waxaas wiilkeena wuu nabad qabaa”.

Dhinaca kale adeerka ayaa soo hadal qaaday kiiska Sayid-Cali oo xukuman dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inuu gubay xaaskiiskii Luul Cabdicasiis, wuxuuna tilmaamay in weli arrintiisu ay taagan tahay, isla markaana ay racfaan u qaateen maxkamadda sare ee dalka.

“Arrinta waxa ay joogtaa halkii aad ku ogayd waxaa weeyey wiilkan arrintiisa waxa ay u gudubtay maxkamadda sare ee dalka” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba, weerarkii maanta ee ka dhacay xabsiga dhexe ayaa waxaa ku dhintay qaar kamid ah maxaabiista, askar ka tirsan ciidanka Asluubta iyo shantii nin ee weerarka fulisay.

Halkan hoose ka daawo