Erdogan oo si cajiib ah uga hadlay go’doominta Qatar sheegayna hal arrin oo Qatar….

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in go’doominta ay dowladaha Khaliijka ku hayaan dalka Qatar ay tahay mid ka baxsan bini’aadanimada isla markaasna khilaafsan diinta Islaamka, wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay habka loo adeegsaday go’doominta lagu sameeyey dalkaas islaamka ah.

Erdogan oo la hadlayey baarlamaanka xisbiga talada hayo ayaa sheegay in eedeymaha loosoo jeediyey dalka Qatar aysan wax faa’ido ah ugu jirin Gobolka isla markaasna ay qalad tahay in go’doomin lagu sameeyo.

Wuxuu sheegay inaysan Qadar wax maalgelin iyo taageero ah siinin kooxaha argagixisada, isagoo ku tilmaamay inay Turkiga kala qeyb gashay dagaalka lagula jiro Kooxda Daacish, wuxuuna sheegay inay Qatar tahay dowladda ugu badan ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalka lagula jiro ISIS.

Wuxuu madaxweynaha Turkiga Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan oo ah dowladda ugu awoodda badan Khaliijka ka codsaday inay khilaafkaan xaliso, isagoo tilmaamay in Ankara ay ku dadaali doonto in si diblomaasiyadeed loo xaliyo dhibaatadaas, waxaana ugu dambeysay xiriir ay Turkiga la sameysay Madaxweynaha France.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
caasimada@live.com