Erdoğan oo si toos ah usoo faro-geliyey xiisadda Carabta kuna dhawaaqay safar deg deg ah

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqan doona dalalka Sacuudiga, Kuwait iyo Qatar, 23-ka illaa 24-ka July, sida ay maanta ku dhawaaqday madaxtooyada Turkish-ka.

Erdoğan ayaa 23-ka July booqan doona Sacuudiga, wuxuuna kadib u jiheysan doonaa kuwiat, oo dhexdhexaadineysay xiisadda gacanka. Kadibna waxa uu booqan doonaa Qatar 24-ka July.

Turkey ayaa xulufo aan la loodin karin u ah Qatar, marka ay timaado xiisadda dalalka Carabta, ayada madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu marar badan carabka ku adkeeyey taageerada uu u hayo Qatar. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in Qatar laga qaado xanibaadda ay saareen dalalka Carabta.

Baarlamanka Turkey ayaa sidoo kale ansixiyey 7-dii June in ciidamo dalkaas ka socda la geeyo dalka Qatar.

Shantii June ayaa afar dal oo carbeed oo kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar waxay xiriirka u jareen Qatar, oo ay ku eedeeyeen inay taageerto argagixisada, islamarkaana qalalaase ka waddo arrimaha gudaha dalalka qaar ee gobolka.

Dalabyada 13-ka ah ee dalalkaas ay hordhigeen Qatar, si ay xanibaadda uga qaadaan ayaa waxaa ka mid ahaa in la xiro saldhigga ciidamada Turkey ay ku leeyihiin dalka Qatar.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com