Erdogan oo taleefoonka kula xiriiray Abiy kahor shirka Ankara

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa si laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan xal u helidda xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska uu Abiy Axmed la gashay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo arrintsan toos usoo farogeliyay ayaa xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Erdogan ayaa shaaca ka qaada in dowladdiisa ay sii wadeyso dadaallada ay ku dooneyso in lagu soo afjaro xiisadda ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka ay qaadayso Itoobiya oo meesha ka saaraysa wel-welka Soomaaliya ee ku aaddan midnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed ay fududeynayaan hannaan wada-hadal oo dhab ah.

Itoobiya ayaa sidoo kale aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficillo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.

Wada-hadalka labada mas’uul ayaa kusoo aaday, kahor shir ay beri oo Isniin a Ankara ku yeelan doonaan wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib usii amba qaadaya wada-hadallada u dhexeeya labada dal ee ay garwadeenka ka tahay dowladda Turkiga.

Labada dhinac ayaa haatan sameeyay isbeddallo, waxaana jiro isku soo dhawaasho ay sidii hore ka sameeyeen Muqdisho iyo Addis Ababa, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo maalmihii dambe waday dadaallo dhex dhexaadin ah.

Hakan Fidan oo shir jaraa’id ku qabtay Istabul waxa uu sheegay inay soo afjarmi doonto xiisadda isla markaana ay kusoo dhammaan doonto galaangal ay Itoobiya u yeelato badda, iyada oo si toos ah ugala macaamileyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayad aoo todobaadkii hore wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga uu booqday magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo uu kula hadlay dhammeynta xiisadda taagan.