Faah-faahinta khasaaraha qaraxii maanta ka dhacay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran, kaas oo lala beegsaday maqaaxi ay fadhiyeen dad badan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafada Xaawo Taako ee magaaladaasi, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Laba qof ayaa goobta ku dhimatay oo uu mid kamid ah ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka kan kale uu ahaa qof shacab ah oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay.

Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray haweeneydii maqaayadda lahayd oo la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgallo kooban, waxayna xireen waddada uu qaraxu ka dhacay, si ay u hubiyaan amniga goobta.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee sababay khasaaraha.

Beledweyne ayaa waxaa horay sidaan oo kale qaraxyo uga gaysatay kooxda Al-Shabaab. Magaaladan ayaa waxa ay xudun u tahay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ku fiday gobollada kale e dalka.