Fahad Yaasiin oo Xamza ku amaanay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu leeyahay dhaqan ka duwan siyaasiyiinta Soomaalida.

Fahad Yaasiin ayaa Xamza ku amaanay dhaqankaan oo uu ku sheegay “inuu marwalba daacad u yahay hadba ninka uu la jiro ama soo magacaabay isaga.”

“Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida. Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maanta uu gar iyo gar-darro uu Xamza garab taagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu haatan ku dhagan meel-marinta qorshihiisa doorasho ee qof iyo cod.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Bare waa hoggaamiye leh dhaqan suuban oo ku yar siyaasiyiinta Soomaalida.

Shalay markuu ahaa Guddoomiyaha Doorashooyinka Jubaland wuxuu gar iyo gar-darraba garab u ahaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Maantana markuu noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, wuxuu sidii lagu yaqaannay gar iyo gar-darro, garab u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa nin ka dhaqan duwan madax badan oo dalka soo martay iyo kuwa haddeerba xilal haya. Mar walba wuxuu daacad u yahay qofkii magacaabay iyo shaqadii loo igmaday.