FAHAD oo shaaciyay halka jid ee Xasan u furan si uu meel mar u noqdo qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shaaciyay jidka keliya ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qaban karo doorasho qof iyo cod ah oo haatan uu si weyn ugu dhagan yahay.

Fahad ayaa soo qaatay afar xaaladood oo uu sheegay in midkood uun ku hirgasho doorasho qof iyo cod ah, isaggoo xusay in mid keliya u shaqeyn karto Xasan, haddii uu kaas diidana aysan u soconeyn sida uu hadda wax u wato, sida uu sheegay.

Midda u shaqeyn karta madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay inay tahay “heshiis wadar ogol ah oo dalka ku aado doorasho qof iyo cod ah,” xilli uu si weyn mucaaradka u diidan yahay qorshaha doorasho ee Xasan uu diyaarinayo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh afartaas jid waxaa ugu dhaw inuu heshiis wadar ogol ah ku raadiyo doorasho dadweyne. Midda shanaad ee uu kaligiis wato waxaa la dhahaa ANAA GATAY, ANAANA GADISTAY, waana riyo hurdadeeda uu kasoo toosayo subaxnimada 16-ka May 2026,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad oo dhameystiran;

Dunida oo dhan afar xaaladood midkood bay ku hirgashaa doorasho qof iyo cod.

𝗞𝗼𝗼𝘄: In Madaxweyne kaligii talis ah uu qabto doorasho, qofkay shacabka doortaanna uu xilka ku wareejiyo. Sidaas waxaa yeelay Madaxweynihii hore ee Kenya Danial Arap Moi.

𝗟𝗮𝗯𝗼: In quwado shisheeye qasabto oo ay diyaariso hab doorasho dadweyne loogu dareero, kadibna xilka lagu wareejiyo dowladdaas ay shacabku doorteen. Sidaas waxay ka dhacday Ciraaq iyo Afgaanistaan.

𝗦𝗮𝗱𝗱𝗲𝘅: In heshiis siyaasadeed lagu gaaro, oo si wadar ogol ah lagu qabto doorasho heshiis lagu wada yahay. Sidaasna, waxaa tusaale fiican u ah maamulka gooni goosadka ah ee Soomaaliland.

𝗔𝗳𝗮𝗿: In Madaxweynaha xilka ku fadhiyo uu ku dhawaaqo in uusan musharax ahayn, uuna xilka ku wareejiyo hogaamiyaha ay shacabka doortaan. Sidaasna waxay ka dhacday Suudaan iyo Muuritaaniya.

Madaxweyne Xasan Sheekh AFARTAAS jid waxaa ugu dhaw inuu heshiis wadar ogol ah ku raadiyo doorasho dadweyne. Midda shanaad ee uu kaligiis wato waxaa la dhahaa ANAA GATAY, ANAANA GADISTAY, waana riyo hurdadeeda uu kasoo toosayo subaxnimada 16ka May 2026.