FAHAD oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan kadib arrin soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa si adag uga hadlay go’aanka uu madaxweyne Xasan Sheekh ka qaatay musharaxnimada Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo sheegtay inuu madaxweynaha uga hiiliyay musharax ay wadato Jabuuti.

Fahad ayaa arrintaan si weyn ugu weeraray madaxweyne Xasan Sheekh, isaggoo sheegay in nin ahlu qubuur u diir nixi waayey uusan u danqaneynin Fowsiya, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisaan labaad, waa markii labaad oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabdho Soomaaliyeed. Ileen waxaa jirtay, in mudo xileedkiisii hore uu sidaan oo kale falay, oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabar Soomaaliyeed. Marka ceebtiisa maahee waa caadadiis,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Fowsiya oo shalay qabatay shir jaraa’id ayaa caddeysay in aanay ka tanaasuleyn musharaxnimada kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato”.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad

CEEBTIIS MA AHAN EE WAA CAADADIIS

Waxaan goor dhaweyd daawaday khudbadii Walaasheen Wasiir Fawsiyo Yuusuf Xaaji.

𝙆𝙤𝙤𝙬: Waligay garnaqsi ka culus oo ka degan maanan arag.

𝙇𝙖𝙗𝙤: Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisaan labaad, waa markii labaad oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabdho Soomaaliyeed. Ileen waxaa jirtay, in mudo xileedkiisii hore uu sidaan oo kale falay, oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabar Soomaaliyeed. Marka ceebtiisa maahee waa caadadiis.

𝙎𝙖𝙙𝙙𝙚𝙭: Ahlul Qubuur qof u diir nixi waayey oo soo faagay walluusan u danqaneynin Inanta Halgamaa Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xaaska Jeneraal Aftooje.

𝘼𝙛𝙖𝙧: Khaladka ugu weyn ee ay Fawsiyo nafteeda ka gashay waa ineysan Xasan Sheekh fahamsiinin fursadaha dhaqaale iyo qandaraas oo ay usoo dhicin karto hadduu kursigaas la raadiyo. Haday taas fahamsiin lahayd Ciil walaal dhag jalaq uma siiyeen. Macal Asaf.