Fahad: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u furan inuu kala doorto saddex kala daran

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay xilligaan u furan tahay saddex kala daran midkood.

Fahad ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu marxalada siyaasadeed uu kaga bixi karo inuu talada dhulka dhigay, uuna cid walbana uu la tashado, ama uu lasoo heshiiyo Saciid Deni intuu Garoowe ka dago.

“Odayga (Xasan Sheekh) haddii ay ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Hoos ka aqriso qoraalka Fahad;

Madaxweyne Xasan Sheekh saddex kala daran inuu kala doorto unbaa u furan;

1. Inuu Garowe ka dago oo uu Saciid Dani kusoo qanciyo ajandihiisa siyaadadeed.

2. Inuu Abu Dhabi ka dago oo uu sifiican isku dhiibo, uguna dhaarto inuu labada kale ka baarisan yahay.

3. Inuu galabta shir jaraa’id ku qabto Villada oo ku dhawaaqo inuu talada dhulka dhigay, cid walbana uu la tashanayo.

Saddexdaas haday Odayga ku adkaato, sidii Ilaahay ka dhigi jiray ha iska sugto oo Mirinaayo u dheer tahay.