FAHAD YAASIIN: Siyaasiga u dacwooday meytada

Doha (Caasimada Online) – Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Suxufiga isku rogay siyaasiga saameynta badan sanado yar gudahood ayaa maalmahan dib u qaatay qalinkiisa, wuxuuna dib u bilaabay qormooyinkii lagu yaqaanay isaga oo marba dhinac ka istaagaya dul-duleelada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Markan wuxuu Fahad Yaasiin cabasho u diray Allaha u naxariiste madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, isaga oo ashkato ka ah madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad wuxuu markaan u doodaya Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday inay ka harto musharaxnimada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u caawiso musharaxa ay Jabuuti wadato.

Doodda Fahad ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay daba-yaaqaddii sanadkii hore ka reebtay tartanka madaxweynaha baarlamaanka adduunka, si ay Soomaaliya u garab istaagto musharaxii Tanzania.

Labada xaalad mid Soomaaliya waxay ku sarifatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika. Laakiin dhacdadaan cusub ee lagu caawinayo Jabuuti ma cadda waxa lagu beddeshay.

Taliyihii hore ee NISA, isaga oo la hadlaya madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan oo illaa hadda ku suntan hoggaamiyihii ugu hoggaanka iyo cadaaladda wanaagsana ee soo mara Soomaaliya wuxuu sheegay Fahad in madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay nin dadkiisi uga hiilinaya dowladdo shisheeye.

Haddii ay meytada soo jawaabi laheyd, waxaa hubaal ah in madaxda Soomaaliyeed ee mootani ay la anfariiri lahaayeen madaxweyne waddamo shisheeye uga hiilinaya dalkiisa iyo dadkii uu xukumayay, ayuu yiri Fahad oo farriintiisa ku socodsiiyay Aadan Cadde.

Ka sakow xirfada hab qoraalka, haddana waxaa dad badan ka yaabisay jihada uu Fahad usoo maray inuu dadka u sheego sida ay labadaasi dhacdo u saameynayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu ku jiro hanka caalamiga ah.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.