Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye inuu noqo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha ciidanka dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Haddaba qaar ka mid ah shacabka ayaa ka fal-celiyey tallaabada uu qaaday madaxweynaha, ayaga oo ku jawaabaya bogga Villa Somalia ee Facebook ee qoraalka lasoo dhigay, waxaana qaarkood ay dalbadeen in sidoo kale xilka laga qaado wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Mohamed Abdullahi Kooshin, ayaa yiri “Madaxwayne xilku waa meerto, balse damiirku meerto ma’ahan. Mu’amaradii ka dhacday Cowswayne iyo Galcad oo qof kastaa oo Soomaali ah ogyahay cidda dayacaas mas’uuliyaddeeda lehayd, haddiiba Talyaha Ciidanka Lugta Gen. Axmed Aadan, kaliya xilka looga qaaday nasiib iyo ayaan buu leeyahay, haddii aysan oran garyaqaan Shuute haloo geeyo, oo aan dusha loo saarin khiyaano qaran Iyo dambiyo kale. Arrintaas Madaxwaynaha abaal baan baan kaaga haynaa. Ileyn maskiin baa miska la fuulo lahe. Taariikh baase qormaysa.”
Abdirizak Hashi ayaa isna yiri “Madaxwayne isbadalka muhiim ayuu ahaa laakiin duqii waynaa ee Wasaarada Gaashaandhigga joogay ayaad ka tagtay.”
Ahmed Omar, oo isna ku baaqaya in la eryo wasiirka difaaca ayaa ku fal-celiyey “Wasiir Madaxaa I furan, xil ka-qaadis baan sugnaa. Dal xoreeye nin fulay ah kulama shaqeey karo, mahadsanid mudane.”
“Maashaa Allah mudane madaxweeyne, waxaad tahay taliyaha ciidamada qalabka sida, waad ku mahadsan tahay sida aad shacabkaaga xog dhameeystiran ula wadaagto, marxalad kastood ku jirto, guuleyso,” waxaa sidaas tiri Marwo Madiino Mohamed.
Abdullahi Abdi ayaa isna tallaabada madaxweyne ku tilmaamay mid sax ah, wuxuuna yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku saxan yahay, wayo taliyo ciidan oo wasiir ka amar qaadanaya wa qalad iyo qayaano qaran.”
Isaga oo rumeysan in wasiirka difaaca xigi doono ayaa Mohamed Abdi wuxuu yiri “oo hadda wasiir madaxaa na furan ma lagu baxi rabaa, sida ka muuqata magaca taliye ku-xigeenka la magacabay.”
Abdirizak Abdi ayaa isna yiri “Dayax waa taliyihi hore Gorgor, waa ninka ugu mudnaa jagadan, hadda ayuuna isbeddel sameyni, guul ayaan u rajaynayaa SNA.”
“Taliyaha ciidanka lugta nin ayaa ku magacownaa, meel looga qaadayna maan arkin, kaliya in nin kale la magacaabay ayaan aragnaa,” waxaa sidas yiri Dahir Carabow oo is-weydiinaya sababta aan loo shaacin xil ka-qaadista xubnaha lagu beddelay kuwa la magacaabay.
Mohamed Ali Araye ayaa yiri “Madaxweyne garabkaada iyo gaashaankaaga baa nahay, shacab iyo ciidan weynu ku garab taagannahay, hadafka dalkeena oo nabad ah, dowlad ah, bilaa Khawaarij ah, waynu xaqiijinaynaa.”
Ugu dambeyn Abuukar Xaashi Hiraabe ayaa yiri “Wasaaradda Gaashaandhiga ku xiji mudane madaxwene, halganka intaas ayaa ka dhiman, guuleyso.”