Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu xalay qaaday FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Muqdisho, gaar ahaan cabashada dhalinyarada Bajaajleyda.

Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradaas oo banaanbaxyo ka dhigeysay magaalada Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay mudan yihiin in la garab istaago.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee aaminay dalkooda, kuna shaqeynaya duruufaha adag, gaar ahaan xoogsatada Bajaajka, waxay mudan yihiin garab istaag iyo in laga fududeeyo culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan,” ayuu yiri Maxamed C/laahi Farmaajo.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada Farmaajo?

Maxamed Jaamac “Siyaasiga Soomaaliga ah wuxuu u heysta shacabka Soomaaliyed kuwo halmaam badan, waxna kala ogeyn kuwii shalay kabahoodii ku duugtay dhalinyaro Soomaaliyed maaheyn miyaa?

Luqmaan Cusmaan “Mahadsanid madaxwayne waxaan kuu rajeneynaa soo laabasho 2026, insha allah”.

Hanad Cabdisalaan “Adi maa dhalinyaro nolol iyo wanaag u ogol Alle naguma kaa soo celiyo sidaad noo dhaaftay ahow,  Xasana qaati bilaah ka taaganahay adigase waba kasii liidatay waaba xasuuqday adiga dhalinyarada”

Nasteex Xamdi Maxamuud “Madaxwayne xaqiiq weeye in la garab istaago weeye dhalinyarada Soomaaliyeed”.

Cabdiraxmaan Axmed Muuse “Adiga Daljirka Dahsoon isbaarada kuu tiilay miyaa saas u hadlaa?

Maxamed Ibraahim “Mahadsanid madaxweyne dalka adiga ayuu kuu baahanyahay ee soo noqo, Insha allaah adoo nabad ah”.

Nuur Axmed “Madaxweyne waad ku mahadsantahay garab istaagga aad innoo sameeysay, dhalinyarada Soomaaliyeed wey kuu ogsoonyihiin hiilkaaga”.