Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo dhalisay hadal-heyn xoogan, kadib markii uu shalay booqasho ku tegay hoyga ay taallo gogosha tacsida Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo dhowaan geeriyooday.

Madaxweynaha oo kasoo baxay xarunta madaxtooyada ayaanan loo xirin hal waddo, waxaana kolonyo galbineysay ay si caadi ah usoo dhex-mareen shacabka.

Sidoo kale muuqaal ay baahisay Villa Soomaaliya ayaa waxaa la arkayay kolonyada madaxweynaha oo istaagtay, si ay waddada uga gudbaan gabdho iyo arday taagnaa waddada dhinacdeeda, taas oo si weyn loogu boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin aan caadi ahayn, waxaana ka hadlay dad badan oo Soomaaliyeed oo madaxweynaha ku ammaanay tallaabada uu qaaday.

Cabdiweli Wabi “Waan ku amaanayaa madaxweynaha in wadooyinka aan loo xirin allaha u naxariista marxuumka”.

Nuur Aduunyo “Jaamka iyo cariirigi jidadka ka jira in madaxweynaha la tuso waa qeyb kamid ah dowladnimada dhibka shacabkiisa heestane uu wax ka ogaado si uu xal ugu helo”.

Cabdifitaax Maxamed Axmed ayuu isna yiri “Xoreyso kadibna ku dalxiis guuleeyso dal xoreeye”

Cabdikariin Yuusuf Waranjini “Xamar waa nabad oo far waawen eh waaye ninki wax fahmaayow Welcome New Xamar”

Mustaf Nuur Qayloy ” Waa wax lagu farxo ah maanta in Xasan iyo shacabkii is dhex socdaan, waana wax rabi looga mahadeliyo”.

Maxamed Aadan “Dowladnimo Alle ha u naxriisto Ugaaska madaxweynaha waan kaga mahadcelinayaa nidamkan waddo marista ah”

Cabdiraxmaan Axmed Case” Madaxweynihii iyo shacabkii oo is dhex maraya waa wax lagu farxo”.

Saadaam Xuseen “Madaxweynihii iyo shacabkii oo is dhex maraya waa wax lagu farxo, intaas iyo in ka badan ayaan rajeynena”.

Maxamed Cali Xerow “Maasha allah farxad ayay ii tahay inaan arko waddanka oo amni ah, madaxwaynuhuna uu dhex socdo ilaahay ñabada ha inoo siyaadiyo”.