Madaxweyne FARMAAJO oo war culus soo saaray, kana hadlay dagaalada ka qarxay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June, isaga oo shacabka ugu hambalyeeyay 64-guurada ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka oo hadda loo yaqaano Somaliand.

“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore.

Intaas kadib Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladaha kasoo cusboonaday dalka, gaar ahaan dagaal beeleedyada dib uga qarxay gobollo badan oo kamid ah dalka, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, kadibna ka xoojiyo midnimada, lana dhowro walaalnimada iyo darisnimada.

“Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu mar kale yiri.

Farmaajo ayaa sidoo kale dhammaan dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xasuustaan halgamayaashii dalkan usoo huray naftooda, una u dueceeyaan, maadaama lagu jiro maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo.

“Malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada waxaan ugu baaqayaa in ay u duceeyaan halgameyaashii inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaalad iyo eex” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Farmaajo.

Wxaa kale oo gabagabadii uu yiri “Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo”.

Xuska 26-ka June ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiis ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya, waxaana sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa.