Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay fara-gelin joogta ah kala kulmeysay dalalka deriskeeda ah iyo kuwa Khaliifka, tan iyo markii dib loo hirgeliyay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya sanadkii 2000.
Cilaaqaad marka hore duruufo dhaqaale iyo kuwo amni loo soo maro ayaa ugu dambeyn waxa uu dhalaa in dalka lagu sii kala qeybiyo, iyada oo la cayilinaayo maamul goboleedyada ka jira dalka.
Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa jawaab carro leh ka bixisay tallaabo ay Itoobiya heshiis iyo maqaam gaar ah ku siisay Puntland. Waxaana dalka laga saaray Safiirkii Itoobiya, iyada oo la amray in la xiro labada qunsuliyad ee Itoobiya ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa, oo markii hore ku furnaa fasax ay bixisay dowladda Soomaaliya.
Waxaa kale oo la xasuusta carradii iyo jawaabtii diidmada aheyd ee ay dowladda Soomaaliya ku dhaqaaqday markii Somaliland heshiis is-afgarad ah ay la gashay Itoobiya 1-dii Janaayo ee sanadkaan.
Sida cad Soomaaliya hadda waxay heegan u tahay inay iska caabiso Itoobiya siyaasad ahaan, laakiin dhinaca kale waxaa taagan Imaaraadka Carabta.
Dalkaan Carbeed ayaa isna si weyn faraha ugula jira arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waqtigaan waxaa jooga Abu Dhabi oo wada-hadallo iyo shaqooyin la wada Imaaraadka madax ka socota Somaliland iyo kuwa ka socda Puntland.
Dhinaca Puntland oo la hadal-hayo inay heshiisyo geli karaan waxaa hor kacaya hoggaamiyaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni, halka dhanka Somaliland uu wafdiga horkacayo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland.
Waxaana la sheegay in wafdiga Somaliland uu kala hadlayo Imaaraadka inay maalgashadaan mashaariicda tamarta iyo kuwa macdanta ee Somaliland.
Imaaraadka waxay labadii sano ee lasoo dhaafay sidoo kale xoojiyeen cilaaqaadkooda Jubbaland, iyaga oo maamulkaasi siiyay hub iyo gaadiid dagaal. Waxay kale oo saameyn xooggan ku yeesheen dekedda Kismaayo iyo Jaziiradaha ku yaalla maamulka Jubbaland.
Dhanka Puntland, fara-gelintooda waa mid aad u xoog badan. Dhowr bilood ka horna waxay Imaaraadka tijaabiyeen inay cilaaqaad dhow la yeeshaan maamulka Koonfur Galbeed.
Dhamaan dhacdooyinkan Imaaraadka waxay imaanayaan iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh xiriir saaxiibtinimo la leeyahay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Illaa hadda dowladdan Carbeed lama siinin wax digniin ah oo ku saabsan fara-gelinteeda baahsan ee gudaha Soomaaliya.
Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa dagaal ba’an la gashay Imaaraadka, waxayna marka Puntland laga reebo wiiqday inay saameyn kale ku yeeshaan gobollada dalka. Cilaaqaadka labada dal ayaa xilligaasi gaaray meel adag.
Farmaajo iyo kooxdiisa waxay xilligaasi la xirteen dowladda Qatar oo aan iyadu laheyn dabeecad ay ku fara-geliso gudaha dalalka. Marwalba Qatar waxay la macaamiisha dowladda dhexe, halka maanta Imaaraadka uusan waxba u hanbeynayn sida muuqata dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.
Dadka Soomaalida waxay badi isweydiinayaan waxa ay ku kala duwan yihiin fara-gelinta ay Imaaraadka ku hayaan gudaha Soomaaliya iyo midka ay Itoobiya ku hayso gudaha Soomaaliya.
Dabcan labaduba waa fara-gelin, inkasta oo Itoobiya dad iyo dhulba ka haysato Soomaaliya oo fara-gelintooda ka xasaasiyad badan tahay mida Imaaraadka, haddana labaduba waa fara-gelin.
Waxaana in aan Imaaraadka tallaabo laga qaadin ama aan xitaa digniin la siin muujineysa sida ay dowladda Xasan Sheekh u sahashaneyso qataraha ka dhalan kara fara-gelinta Imaaraadka, ama ay u dabrayaan dhaqaalaha kooban ee marmar ka yimaada dhanka dalkan Carbeed.
Dadka arrimaha Soomaaliya ka faallooda qaar waxay qabaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku qasban yahay inuu raadsado saaxiib ka sugan Imaaraadka oo aan fara-gelinayn arrimaha gudaha, si loo ilaaliyo madax-banaanida iyo haybadda dalka.