Farriinta Xasan u diray Abiy oo ka weyn sida Soomaalidu mooday – Maxaa ku duugan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq badan ayaa ka dhashay hadal-jeedin uu Isniintii sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kusoo hadal qaaday xiisada weli taagan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tan iyo kowdii bisha Janaayo ee sanadkaan xiisadda labada waddan ayaa meel adag taagneyd.

Xasan Sheekh ayaa marar badan waxa uu horey uga hadlay arrinta Itoobiya, laakiin hadalkiisi Isniintii ayaa wax badan ka duwanaa fariimihiisi hore.

Marka koowaad farriinta madaxweyne Xasan Sheekh ee arrinta Itoobiya waxay kusoo aadeysa iyada oo saddex xaaladood taagan yihiin. Mid waa cadaadiska labada dowladood lagu saarayo inay wada-hadlaan oo dowladdo waaweyn waddaan.

Midda labaadna waa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay Itoobiya rabto in is-afgaradkii u beddesho heshiis rasmi ah, si uu berri u adkaado gorgortanka ay la galayaan Soomaaliya.

Midda saddexaadna waa iyada oo bisha July ee sanadkan uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aan ka gaarayo howl-galka saddexaad ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kasii mid ahaanshaha ama saarida ciidanka ka socda waddanka Itoobiya.

Marka arrimahaas la eego dowladda Soomaaliya inay dib u qeexdo booskeeda waa lagu qasbanaa oo dalalka horkacaya wada-hadalladu waxay rabaan war rasmi ah oo xalka ku dhisaan.

Itoobiya waxay isku qastay saddex dood, si ay caalamka u jahwareeriso. Mid waa inay rabaan marin ganacsi, marna waxay farta ku fiiqayaan saldhig millateri, marna waxaa kasoo fakaneysa inay raadinayaan bad ay toos u yeeshaan.

Haddaba saddexdaas maxay Soomaaliya ka ogoshahay oo dooddaha socda iyo dhex-dhexaadiyaasha ay wax ku dhisi karaan ayaa la isweydiinayay waayahan.

Laakiin madaxweyne Xasan Sheekh jid ayuu u farmuuqay cid walba oo howshaan daneynaysa inay kaalin ka qaadato. Bidhaaminta madaxweyne Xasan Sheekh waa in uusan deris diid aheyn, inuu aqbalsan yahay in la wada ganacsado oo ay dekeddaha faraha badan ee Soomaaliya suuq u baahan yihiin, Itoobiyana ay tahay suuq weyn oo ay tahay in laga faa’iideysto.

Laakiin labo arrimood oo dooddooda la geli karin ayaa farta ku fiiqay Xasan Sheekh. Mid waa saldhig ciidan oo Itoobiya ka sameysato biyaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Itoobiya ku yiri taas iska ilooba dhici mayso.

Midda labaadna waa bad helid. Xasan Sheekh iyadana si cad ayuu u sheegay in aysan Soomaalida gorgortan ka galeynin. Mar haddii uu Xasan yiri saldhig warkiis majiro, qaadashana kaba daran, maxaa xigga?.

Hadda dalalka arrintaan ku mashquulsan inay ka nabad-dooneyaan waxay miiska keeni karaan aragti ah ku saabsan sidee ganacsi ahaan loo kala faa’iidi karaan, dekeddee Itoobiya wax kasoo degsan kartaa oo aad ugu dhow, ma mid cusub ayaa la dhisayaa mise kuwii hore ayaa loo sahlayaa inay qiimo jaban wax uga soo dagsadaan, ugana dhoofsadaan. Sidee noqon doona faa’iido wadaagga, ma loo baahan doonaa dowladdo shisheeye oo maal-gelinta qeyb ka noqdo iyo arrimo kale.

Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh Isniintii soo xiray doodda, dibna u qeexay mowqifka Soomaaliya ee xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya, jidna uu siiyay dalalka dhex-dhexaadinta wada, isaggoo u maray kalmadihiisa luuqad dowladeed oo aan caadifad ku dhisneyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh inkasta oo isaga iyo dowladdiisa leeyihiin qaladaad badan oo lagu haysto, haddana marka la eego sida uu bilowgii illaa hadda u wajahayo qadiyadda Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuu u muuqda maan-gal mudan in mowduucan lagu garab siiyo.