FBI-da Mareykanka oo xiray nin reer Afghani ah oo qorsheynayay weerar culus

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay Talaadadii shalay inay soo xirtay nin u dhashay dalka Afgaanistaan oo ay saraakiishu sheegeen in uu taageersanyahay Ururka Daacish.

Ninkan ayay FBI-du sheegtay in uu qorsheynayay weerar uu ka geysto bar tilmaameedyo ku yaala Mareykanka maalinta doorashada dalkan ay ka dhaceyso ee 5-ta bisha soo socota ee November.

Sida ay sheegtay wasaaradda cadaaladda Mareykanka ninkan oo ku nool magaalada Oklahoma ee dalkan Mareykanka ayaa lagu magacaaba Nasir Ahmad Tawhedi, da’diisuna waa 27 sana jir.

Saraakiisha FBI-du waxay sheegeen in ninkan uu todobaadkii la soo dhaafay qaaday talaabooyinka qeyb ka ah u diyaar garowgiisa weeraro uu geysto.

Waxay sheegeen inuu dalbaday qoriga AK-47, isla markaana uu xaraashay alaabadii qoyskiisa, isla markaana uu Tikit u gooyay xaaskiisa iyo cunug yar oo uu dhalay si ay ugu safraan dalka Afganistan.

Sida ay sheegtay waaxda cadaaladda Mareykanka, Tawhedi ayaa u sheegay baarayaasha marka la soo xiray kadib inuu qorsheeyay weerar maalinta doorashada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadka badan isu yimaadaan ee dalkan Mareykanka.