Fethullah Gulen – Wadaadkii ay sida aadka ah isku hayeen Erdogan oo geeriyooday

Ankara (Caasimada Online) – Wadaadka Muslimka ee fadhigiisu ahaa Mareykanka Fethullah Gulen, oo ay Ankara ku eedeysay inuu abaabulay afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii, ayaa isaga 83 jir ah ku geeriyooday Mareykanka oo uu dibad-joog ku ahaa, waxaa sidaas Isniinta maanta ah sheegay kooxdiisa iyo dowladda Turkiga.

Gulen oo Turkish ahaa, kuna noolaa Maraykanka tan iyo 1999-kii, waxa uu mar saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka hor inta aysan isku noqon cadow.

“Ilaha sirdoonkeena waxay xaqiijinayaan geerida hogaamiyihii ururka FETO,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay, isagoo adeegsanaya magaca ay dowladda ugu yeerto dhaq-dhaqaaqa Gulen ee Hizmet.

Teleefishinka dowladda Turkiga ee TRT ayaa sheegay in daaciga oo ku noolaa gobolka Pennsylvania rubuc qarni, lagana xayuubiyay dhalashadii Turkiga sanadkii 2017, uu ku dhintay isbitaal xalay.

Farriin ay soo dhigtay X, ayey shabakadda Gulen ee Herkul, oo laga mamnuucay Turkiga, ku sheegtay inuu dhintay “October 20”, ayada oo ballan qaaday faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan tacsidiisa.

Gulen ayaa u guuray Pennsylvania 1999-kii, iyada oo loo malaynayo arrimo caafimaad dartood, wuxuuna halkaas ka maamulayey Hizmet oo xilligaas lahayd shabakad ballaaran oo dugsiyo dadweyne ah oo ku yaalla qaarad kasta.

Sannadkii 2013-kii ayuu khilaaf weyn soo kala dhex-galay Erdogan, saddex sano kaddibna hoggaamiyaha awoodda badan ee Turkiga ayaa ku eedeeyey inuu qorsheynayey inuu afgambiyo, isaga oo u bixiyey Hizmet “Ururka Argagaxisada ee Fethullah” (FETO).

Ku dhawaad 250 qof ayaa dhintay July 15, 2016 markii koox milatari oo fallaago ah ay isku dayeen in ay afgambiyaan dowladda Turkiga, ayaga oo adeegsanaya diyaaradaha dagaal iyo taankiyada dowladda, falkaas oo Erdogan uu ku eedeeyay taageerayaasha Gulen ee ka tirsan militariga.

“Ururkan wuxuu noqday khatar dhif ah oo lagu arkay taariikhda qarankeena,” ayuu yiri Fidan, isaga oo ku eedeeyay taageerayaasha ururuka “in loo isticmaalo hub ka dhan ah dalkooda”.

Inkasta oo uu geeriyooday Gulen, haddana Turkigu waxa uu sii wadi doonaa “dagaalka ka dhanka ah ururkan, kaas oo dhibaato ku ah amniga qaranka”, ayuu wasiirka cadaaladda Yilmaz Tunc ku qoray barta X.

AFP + VOA