FIQI oo dhoolatus wayn sameeyay maanta – Xagee ku dambeeyay mooshinkii?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo maanta kusoo laabtay dalka, kadib safaro uu ugu baxay dibadda ayaa sameeyay dhoolatus wayn, xilli uu ka yaallo mooshin ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Fiqi ayaa soo dhaween heer sare ah loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu muuqato inuu ku sameynayo bandhig siyaasadeed, maadaama lagu dhagan yahay.

Soo dhaweyntiisa oo saf-dheer loo galay ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaanno kasoo horjeedo mooshinka laga keenay, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, danjireyaal, agaasimeyaasha waaxaha kala duwan ee wasaaradda, qaar ka mid ah howlwadeenadda wasaaradda arrimaha dibedda iyo qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda loogana hadlay soo laabashada wasiir Fiqi ayaa lagu yiri “Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya”.

Soo laabashada Fiqi waxay kusoo aaday, xilli todobaadkii hore ay tiro xildhibaanno ah ay geeyeen baarlamaanka mooshin isaga ka dhan ah, ayada oo eedeymo culus loo jeediyay.

Mooshinka ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli Fiqi, sida ku cad nuqulka mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadu.

Si gaar ah waxaa wasiirka loogu eedeeyay inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda, isla markaana uu awood tiray wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka, isla markaana uu awoodda isku soo koobay isaga oo kaliya.

“Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay horay usoo saareen xubnahan gudbiyay mooshinka.

Waxaa kale oo ay tilmaameen shaqooyinkii laga rabay wasaaradda arrimaha dibadda qayb kamid ah lagu wareejiyay shirkad ah oo ay xildhibaanada gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay isticmaasho shabadda wasaaradda, taas oo lacag dheeri ah soo rogtay.