FIQI oo shaaciyay xog cusub oo ku saabsan wada-hadallada Somalia iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) –  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan wada-hadalladan, isaga oo hoosta ka xariiqay in wax kasta ay ka socon waayeen dhinaca Itoobiya oo uu sheegay inay weli adkeysaneyso damaca ay ku dooneyso biyaha iyo dhulka Soomaaliya, taasina aysan dhici doonin.

Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkeeda ku aadan ilaalinta madax banaanida dalka, ayna wada-hadalladan socda u aqbaleen xiriirka iyo saaxibtinimada kala dhexeysa Turkiga oo dhex-dhexaadinayo Muqdisho iyo Addis Ababa.

“Wadahadallada dhex-dhexaadinta ah ee Turkiga ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaan u aqbalnay xiriirka xooggan oo aan la leenahay Turkiga iyo Aduunka arko in Soomaaliya ay diidaneyd wada kasta oo sax ah” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

“Waxaan rajeynayaa in wareegga soo socda (wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya) uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri wasiir Fiqi oo rejo wanaag ka muujiyay wada-hadallada soo aadan xilli ay fashilmeen labadii kulan ee hore.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rabaa in aan caddeeyo in Soomaaliya ay ganacsi ahaan u furan tahay oo kaliya heshiisyada faa’iidada leh ee lala galo Itoobiya. Ma ogolaan doono in badda lagu galo qaab ciidan iyo mid madax banaan, sidoo kale ma ogolaan doono joogitaan ciidan oo waqti dheer iyo mid gaaban ah”.

Si kastaba, xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, mana jiro illaa iyo hadda wax isku soo dhawaasho ah oo ay sameeyeen labada dal oo ku aadan xiisadda dhex taalla.