Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka nagaa soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weerar culus ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan aagga degmada Ceeldheer.
Ciidamada huwanta ayaa si wadajir ah duulaan ugu qaaday Al-Shabaab, waxayna isku fidiyeen deegaano ay ka mid yihiin Maraayga Oomane iyo Isgoyska Macallin Abuukar oo dhaca bariga Galgaduud, halkaas oo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in howlgalka uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo saacado qaatay balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan milatariga Sooaaliya oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay iay gubeen gaari Cabdib Bile ah iyo mooto ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxayna intaasi kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana deegaannada lagu dagaalamay gaaray ciidamo horleh oo gurmad ah, si dhulkaasi looga saaro Al-Shabaab.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada dhexe ee dalka ka socday dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu xoreeyay magaalooyin waa wayn oo ka tirsan maamulka Galmudug.