Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu gubay MUDUG – Yaa gubay?

Camaara (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaanka Dhaankalle oo qiyaastii 7 km u jira  Camaara lagu gubay gaari xamuul ah oo ay la socdeen dad shacab ah, kadib markii ay waddada u galeen Al-Shabaab.

Gaariga oo uu noociisu ahaa Biijii ayaa kusii jeeday dhinaca magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale uu siday raashin, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dadka shacabka ah ee baabuurka la socday ayaa lasoo wariyay inay goobta ka baxsadeen, markii ay ka war heleen inay kusoo wajahan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ee jidka u galay baabuurkaas ay dab qabad siiyeen, kadibna ay isaga dhaqaaqeen halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo madaxda Galmudug oo ku aadan falkaasi lagu gubay gaariga sidan raashinka.

Camaara ayaa waxaa weli agagaarkeeda ku sugan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada fariisimaha ciidamada ee ku yaalla gobolka Mudug.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallada ka socda Galmudug ay u muuqdeen kwua hakaday, taas oo fursad siisay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe.

Arrinta kale ee culayska leh ayaa ah in deegaanadaas ay dib uga qarxeen dagaal beeleedyo lagu eedeeyay inay sii horineyso koxoda Al-Shabaab.