Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mareysa meel xasaasi, xilli ay weli Itoobiya ku dhagan tahay is-afgaradkii Somaliland ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Damaca Itoobiya oo lagu tilmaamo mid soo jireen ah, uuna hadda u bareeray ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayey Soomaalidu u kala harin diidmadiisa, inkasta oo dhaliil laga muujiyay hanaanka madaxda dowladda u wajaheyso arrintaan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka digay damaca guracan ee Itoobiya ayaa soo jeediyay afar qodob oo uu sheegay inay xal u noqon karaan, ayna si mideysan bulshada Soomaaliyeed uga hortagi karto qorshaha Abiy.
“Xalku wuxuu yahay an aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran;
Soomaali kuma kala harin diidmada heshiiskii is afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Abiy Axmad iyo Muuse Biixi.
Shacabka Somaliland ayaana ugu badnaa dadkii diiday. Baarlamaanka Soomaaliya si buuxda ayuu u garab istaagay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, wuxuu soo saaray qaraar cad oo uu Madaxweynuhu saxiixay, wuxuu iyadoo la hor keenin ansixiyey heshiiskii lala galay dawladda Turkiga ee la sheegay in lagu difaacayo badda Soomaaliya.
Dhammaan madaxdii hore ee dalka iyo kuwa talada damaca ka jiro waxay garab istaageen Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa. Waxaa ku xigtay Madaxweynaha oo Markab dulsaaran lana sheegay in uu yahay markabkii difaaci lahaa Badda Soomaaliya, haddana waxaan maqalnay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu wadahadal uga socdo Ankara, Turkiyana dhexdhaxaadinayso, kulan kale loo ballansanyahay.
Innaga iyo Itoobiya;
Shacabka Soomaaliya iyo madaxdiisu isku aragti kama aha Itoobiya. Shacabku mar walba Itoobiya way ka digtoon yihiin, laakiin Madaxda talada markaa haysa waxay Itoobiya kula macaamilaan dareenkooda halka uu maalinkaa tagaan yahay. Ma jirto siyaasad qaran iyo istiraatiijiyad qowmi ah oo aan Itoobiya kula falgalno.
Waxaa tusaale u ah waxay naga bareen Itoobiyada cusub labadii maamul ee Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu Jigjiga booqda 2016-kii, iyo Madaxweyne Farmaajo markii uu Qalbidhagax dhiibayey, iyo sidii ay labaduba ONLF ugu tilmaameen argagexiso, Itoobiyana ugu sifeeyeen dal walaal ah oo ay shucuubta labada dal isku direen maamulladii hore ee labada dal soo marayna.
Mar waliba waxaa naloo aqrinayey cashar ku saabsan Itoobiya cusub, Itoobiyana maamulkeeda ayaa isbdelayey, laakiin Istaraatiijiyadeeda isma bedelaynin.
Waxaana taas sii adkaynaya in xukuumada Madaxweyne Xasan ay sanad ka hor Itoobiya la saxiixatay heshiis difaac, kana sugayeen in ay qayb ka qaataan wejigii labaad ee dagaalka AS iyo gulufkii loo bixiyey Libaaxii Madoobaa (Black Lion), waxay gobollo dalka qaarkood ku joogaan magac ATMIS iyo heshiis laba geesood ah. Sidaasoo ay tahayna waxaa la isku diidi karin;
1- In Itoobiya aysan u socon bad iyo dekad ganacsi oo ay badeeco kala soo degto, waxaa caddayn u ah in saamiga 19% ahaa ee laga siiyey Dekedda Berbera ay maalgashan wayday, ka dibna lagala laabtay, Dawladda Soomaaliyana muran kama keenin adeeg ganacsi.
2- Waxay la isku diidi karin in Itoobiya ay doonayso dhul badeed iyadu leedahay oo ay xukuntu, gobonimada dalkeedana hoos yimaada.
3- Waxaa kaloo la isku khilaafi karin in gobonimada, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya ay lama taabtaan tahay, difaaceedana waajib qaran yahay.
Waxaase la dhaliilsan yahay sida ay madaxda dalka u maareeyeen loolanka Itoobiya naga dhexeeya.
1- Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu kama aysan shaqayn midaynta dadka Soomaaliyeed, taa bedelkeeda waxay ku kala irdheeyeen meelmarinta dantooda siyaasadeed ee gaarka ah.
2- Ma furin albaab talo wadaag si la iskula meeldhigo siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe heshiis lagu yahay oo lagu wajaho damaca Itoobiya.
Xalku wuxuu yahay;
1- In aan gobonimada dalkeena difaacano, cidna aanan ku halaynin, xin iyo ku xumayn loo qabo maamulka Madaxweyne Xasana lagu dayicin dhul Soomaaliyeed, sababtoo ah madaxda maanta joogtaahi beri way tegayaan, waxa harayana waa dalka iyo dadka iyo sumcadaada shakhsiga ah.
2- Madaxweynow weli waxaad haystaa fursad aad dadka ku midayn karto, waxayse kuugu kacaysaa in dantaada shakhsiga ah tan qaranka ka hormariso.
Balse, haddii aadan qabkaaga meeldhegan karin, tanaasulna la iman karin, tusaalana u noqon karin in aad dantaada tan dalka ka hormariso, cid kale ha ka sugin in ay sidaa yeesho.
3- Madaxweyne waa in aad talada ballaariso, si loo helo siyaasad cad, istiraatiijiyad qeexan iyo qorshe midaysan oo lagu wajaho damaca Itoobiya.
Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in aad qof jeclaysi meel iska dhigto oo aad xulato kaadir aqoon, karti iyo xirfad ku hubaysan oo culayska arrinka u babac dhigi kara.
4- In meesha laga saaro kala hadalka iyo in masuul walba oo dawladeed uu baraha bulshada ama warbaahinta wixii ku soo dhaca ka sheego.
Siyaasad dowladeed waxaa lagu yaqaan in ay hal mid ah tahay, hal af leedahay, hal meelna ka baxdo.