Ganacsiyada Boosaaso oo maalintii labaad xiran + SABABTA

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad xiran inta badan xarumaha ganacsiga Boosaaso, iyada oo ganacsatada ay ka cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo lagu soo rogay.

Ganacsatada ayaa ka cabanaya canshuur kordhin ay ku samaysay wasaaradda maaliyadda Puntland, xilli ay sheegeen inay xaalado adag ku shaqeeyaan.

Qaar kamid ah ganacsatada Boosaaso ayaa noo sheegay inay cabashadooda ku qotomto canshuur kordhinta wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan macaash-macaashka ee laga qaadi jiray xarumahooda ganacsiga.

“Wasaaraddu waxay kordhin ku sameysay canshuurta macaash-macaashka oo bishii joogto nalooga qaadi jiray $19 haddana naloo sheegay in aan bixino lacag dhan $59 dollar, taas oo farqiga u dhaxeeya uu yahay $40 dollar,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda oo ganacsatada qaybtood la kulmeen ayaa loogu goodiyey in ay lacagta bixiyaan oo ay xarumaha furaan haday, taas sameyn waayan xabsiyada la dhigayo waana arin walaac xooggan ku abuurtay ganacsatada.

Tan ayaa culeyska kusii biirinaya ganacsatada Boosaaso oo ayagu ku shaqeeya xaalado adag, waxayna sidoo kale dhibane u yihiin kooxda Daacish, oo ayaduna lacago baad ah ka qaada.

Isku soo wada duubo, Boosaaso oo ah magaalada ugu dhaqaalaha badan maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysa khatarta amni ee kooxaha argagixisada, iyo weliba culeyska dhaqaale ee maamulka Deni.