Gantaallo lagu garaacay aagagga milatari ee Israel iyo xaaladda oo kasii dareysa

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xisbullah ayaa dhowr gantaalku tuurtay Golan Heights-ka la heysto kadib markii diyaarado ay weerareen gudaha Lubnaan, iyadoo cabsida dagaalka ay sii kordheyso.

MIlitariga Israa’iil ayaa sheegay inay xalay garaaceen keydka hubka ee Xisbullah oo ku yaalla Dooxada Bekaa. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Iyadoo ka jawaabeysa, Xisbullah, oo ay Iiraan taageerto, waxay sheegtay inay beegsatay aagag militari oo Israa’iil leedahay oo ku yaalla Golan. Israa’iil ayaa sheegtay in labo guri ay gantaalladu ku dhaceen isla markaana hal qof uu ku dhaawacmay.

Dhanka kale, dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Fatax ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay dishay xubin sare oo ka tirsan garabkeeda hubeysan ee ku sugan Lubnaan si ay dagaal uga cusbooneysiiso gobolka.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Khalil al-Makdah ay ku dileen duqeymo ay ka geysteen magaalo-dekadeedka koofureed ee Sidon sababo la xiriira inuu matalayay Ilaalada Kacaanka uuna ku lug lahaa agaasinka weerarrada iyo inuu hub geeyo Daanta Galbeed ee la heysto.

Waxaa la sheegay inuu yahay weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado xubin ka tirsan Fatax tan iyo billowgii dagaalka, kaasoo horseeday inay kordhaan weerarrada xadka ka gudba ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xisbullah.

Xiisadaha ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay kordhay kadib markii Israa’iil ay Beyruut ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Xisbullah, kaasoo ay ku eedeysay inuu 12 carruur ah ku dilay weerar.

Ilaa iyo haatan, in ka badan 530 qof ayaa lagu dilay Lubnaan, waxaana ka mid ahaa 130 rayid, iyo 49 qof oo lagu dilay Israa’iil, ayna ka mid yihiin 26 rayid ah. Ku dhowaad 200,000 oo qof ayaa laga barakiciyay xadka labada dhinac.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ciidamada u sheegay Talaadadii in xarunta militariga ay kasoo wareegtay Gaza ayna usoo wareegeyso xadka Lubnaan.

Subixii Arbacada, Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ku dhawaaqay in diyaarado ay xalay garaaceen tiro keydadka hubka ee Xibsullah ah.

IDF ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen dagaal-yahannada Xisbullah oo ku sugnaa magaalada xadka koofureed ee Beit Lif.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha gobolka Bekaa uu ku dhintay ha qof, oo aan magaciisa la sheegin, isla markaana sagaal carruur ah ay ka mid ahaayeen 30-ka dhaawacmay.

Iyadoo ka jawaabeysa duqeymaha, Xisbullah ayaa weerartay saldhigga IDF oo ku yaalla Golan Heights.

IDF ayaa sheegtay in ilaa 50 gantaal laga soo tuuray Lubnaan isla markaana qaarkood ay ku dhaceen deegaanka Katzrin.

Nin 30 jir ah ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray haraaga gantaal markii gurigiisa uu dab qabsaday, sida ay sheegtay waaxda gawaarida degdegga ah ee Magen David Adom.

Taliye xigeenka Taliska Waqooyi ee IDF, Janaraal Alon Friedman, ayaa Xisbullah ku eedeeyay inay beegsadeen 8,000 rayid ah oo ku nool Katzrin.

Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay duqeymo kale oo cirka ah ku weerartay saldhigyo milatariga Israa’iil ay ku leeyihiin Amiad, oo u dhow Badda Galilee. IDF ayaa sheegtay in qaar ka mid ah diyaaradaha duqeymaha geysanayay ay aagga kusoo dhaceen, iyagoo aan wax khasaare ah geysan.

Goor dambe shalay, duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa waxaa lagu dilay Khalil al-Makdah oo Fatax ka tirsanaa xilli uu gaari ku kaxaynayay deegaanka Sidon.

Garabka hubeysan ee Fatax, ee Shuhadada al-Aqsa – oo laanteeda Lubnaan uu madax u yahay walaalkiis, Mounir – ayaa mar dambe xaqiijisay geeridiisa waxayna ku tilmaameen “mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha golaha militariga ee Daanta Galbeed”.

Tawfiq Tirawy, oo xubin ka mid ah Guddiga Dhexe ee Fatax oo ku sugan Ramallah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in “dilka sarkaal Fatax ka tirsan uu caddeyn u yahay in Israa’iil ay dooneyso hurinta dagaal buuxa oo gobolka ka qarxa”.

Isha: BBC