Cawaaqibka go’aankii kasoo baxay shirkii Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka cilmi barista Haritage ayaa Sabtidi shalay soo saaray, warbixin uu diiradda ku saaray xaaladaha siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan natiijooyini dhawaan kasoo baxay shirki Golaha Wadatashiga Qaran.

Warbixinta ayaa saluugtay ka maqnaansha Puntland iyo Jubaland ee muddadii uu socday kulankii u dambeeyay ee madaxda sare ee dalka.

Hoos ka aqriso warbixinta Haritage oo dhameystiran;

Go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka 30-kii, Oktoober 2024, ayaa
dood weyn oo culus ka dhex dhaliyay hormuudka siyaasadda dalka. Go’aamadan ayaa
taabanaya arrimo xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee heer faderaal
iyo heer dowlad goboleedba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaba, kuna adkaysanaya, in dalka laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah ayaa ah ayaa dooddan xuddun u ah. Mabda’an, doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu ka turjumayaa rabitaanka inta badan ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u hanqal taagaya in ay ka gudbaan nidaamka doorashada dadban taas oo ragaadisay doorashooyinkii dhowaan dalka ka qabsoomay.

Doorashooyinka dadban waxa si weyn u saameeya musuq-maasuq iyo nin jeclaysi ay ku kacaan hoggaamiyeyaasha faderalka iyo dowlad goboleedyaduba, kuwaas oo keena xasilooni darro siyaasadeed iyo niyadjab baahsan.

Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u xasuustaan jaahwareerkii iyo qalalaasihii
siyaasadeed ee 2016/2017 iyo kii 2021/2022, xilliyadaas oo ay doorashooyinkii dhacay
ku suntanaayeen ku shubasho, faragalin iyo musuq-maasuq baahsan. Qaran uu
hareeyay degenaansho la’aan siyaasadeed tan iyo doorashooyinkii musuqmaasuqa
ba’naa ee dhacay 1969-kii, oo uu ka dhashay afgambigii militariga, in lagu soo
dabbaalo doorashooyin qof iyo cod ahi waa yididiilo iyo rajo dimuqraaddiyadeed oo
Soomaaliya gaadhitaankeeda u halgamayso, balse ka miradhalinteedu u baahan tahay
feejignaan dheeraad ah.

Aragtida ku salaysan doorashooyin qof iyo cod ah, oo ay wehilso siyaasad ku dhisan
xisbiyo siyaasadeed salka ku haya tartan fikradeed, ayaa ah mid ay dadka
Soomaaliyeed ku helayaan fursad ay ku kala xushaan, kulana xisaabtamaan
madaxdooda.

Aragti ahaan, in loo guuro mabaadi’da dimuqraaddiyaddu waa arrin ay
soo dhowaynayaan dhammaan dadka doorka ku leh siyaasadda Soomaaliya. Laakiin,
in kastoo ay tahay arrin soo jiidasho leh, in badan oo ka mid ah mawaadiniinta iyo
dadka doorka siyaasadeed lihi shaki weyn ayay ka qabaan ujeeddooyinka
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo weliba awoodda uu u leeyahay in uu fuliyo
ballanqaadka doorashooyin qof iyo cod ah, marka loo eego sababahan soo socda:

Tan koowaad, Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha
Wadatashiga Qaranka (marka laga reebo Puntland), ayaa 2023 sameeyay ballan kan la
mid ah, isaga oo sheegay in doorashooyin qof iyo cod ah lagu soo dooran doono
golayaasha deegaanka ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kuwaas
oo dhicitaankooda loo qoondeeyay 2024; balse waa uu ku guuldarreystay fulinta
ballanqaadkaas. Taasi waxa ay sabab u noqotay in dad badani su’aal galiyaan sida uu
madaxweynuhu uga dhabayn karo ballanqaadkiisan cusub.

Tan labaad, madaxweynuhu waxa uu heshiiskan la galay hoggaamiyeyaasha
dowlad goboleedyada oo uu muddo-xileedkoodu dhammaaday sannad ka hor.

Hoggaamiyeyaashan ayaa cimri-dherer siyaasadeed ka dhex arka dibudhaca
doorashooyinka ee soo noqnoqday, maadaama muddo-kororsigu u suuragalinayo in
ay sii haystaan xilal aan lagula xisaabtamin ama aan sharci ku dhisnayn. Soomaali
badan ayaan liqi karin in sannad kale loo kordhiyo hoggaamiyeyaasha dowlad
goboleedyada, taasina waxa ay kor u qaadday shakiga laga qabo sida ay madaxda
madashu u hir-galin karaan doorasho qof iyo cod ah oo dhab ah.

Tan saddexaad, ballanqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ku saabsan
doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu noqon lahaa mid lagu kalsoonaan karo haddii
uu ku guulaysan lahaa in uu gobolka Benaadir ka hirgaliyo doorasho deegaan oo qof
iyo cod ah, maadaama ay tahay gobolka kaliya ee ay si buuxda u xukunto dowladda
faderaalku. In kasta oo ay jiraan ballanqaadyo soo noqnoqday, oo markasta bura,
haddana ku dhowaad saddex milyan oo qof oo deggan gobolka Benaadir ayaa weli ku
hoos jira maamul kor laga soo magacaabay, taas oo duudsiday xuquuqdoodii ay u
lahaayeen doorashada hoggaamiyayaashooda. Ballanqaadyadaas aan la fulin ayaa
shaki weyn gelinaya in uu madaxweynuhu ka dhabeeyn doono qabashada
doorashooyin qaran oo qof iyo cod ah, sababta oo ah waxa muuqda isdiiddooyin u
dhaxeeya hadalka iyo ficilka.

Tan afaraad, abaabulka doorashooyinka qof iyo codka ah ee soo cusboonaaday,
ayada oo la dhaafay bartamihii muddo-xildeedka madaxwaynaha, ayaa sii xoojiyey oo
kaliya shakiga u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda. Dad badan ayaa ka walaacsan in
ay arrintani noqon karto xeelad siyaasadeed oo uu madaxweynuhu muddo-xileedka
ku kororsanayo marka ay ka dhamaanto afarta sano, taas oo la mid
ah isku daygii madaxweynihii isaga ka horreeyay sanadkii 2021.

Isku daygaas ayaa horseeday iska hor-imaadyo rabshado wata oo ka dhacay Muqdisho, taas oo muujisay cawaaqibxumada ka dhalan karta doorashooyinka sida xun loo maamulo.

Tan shanaad, caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka dhabaynta doorashooyin qof iyo
cod ah, waa maqnaanshaha laba gobol ee xubnaha ka ah dowladda faderaalka oo kala
ah Puntland iyo Jubbaland, oo uu weliba weheliyo maamulka dhowaan la aqoonaday
ee SSC-Khaatumo.

Bulsho aad u kala qaybsan, wadajirka iyo wadar-oggolku waa u lafdhabar, sidaas darteed doorasho kasta oo la doonayo in lagu qanco waxa ay u baahan tahay in ay qayb ka noqdaan gobollada maqan iyo siyaasiyiinta mucaarku. Haddii aanay heshiis ku ahayn daneeyayaasha siyaasaddu, oo ay ku jiraan mucaaradku, helis weyn ayaa ku gadaamnaan karta sharcinimada doorashooyinka qof iyo cod ah.

Marka loo eego caqabadahan, madmadow badan ayaa ku gadaaman
dooraashooyinka qof iyo cod ah ee ku qabsooma jawiga siyaasadeed ee hadda jira.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan ku dhawaaqay in uu
gogol turxaanbixin ah u dhigayo dowlad goboleedyada fikirkan ka soo horjeeda ayaa
ah tallaabo wanaagsan. Tallaabadani waxa ay abuuraysaa rejo wanaagsan oo weli
suuragalin karta in is-afgarad iyo dhab-u-heshiin siyaasadeed laga gaaro doorashada
soo socota.

Hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa ku gudboon in ay soo
dhaweeyaan gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay, oo ay dib ugu soo biiraan Golaha
Wadatashiga Qaranka, iyaga oo qiimaynaya danta midnimada qaranka.
Sida oo kale, waa in uu Madaxweyne Xasan Sheekh muujiyaa dabacsanaan iyo
xilkasnimo hoggaamineed, isaga oo u tanaasulaya, isla markaana tixgelinaya
tabashooyinka dowlad goboleedyada maqan iyo kooxaha mucaaradka. Ruuxdaas
wadashaqayneed waa jidkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh laftiisu u ololaynayay
markii uu ahaa hogaamiye mucaarad ah sannadihii 2021 iyo 2022.

Si hore loogu tallaabsado, waxa ay talooyinkan soo socda tibaaxayaan jidka loo mari
karo hannaan doorasho oo xasilloon, loo dhan yahay, islamarkaana lagu kalsoonaan
karo:

1. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: In la sameeyo hannaan
doorasho oo ay heshiis ku yihiin dowladda faderaalka, dawladaha xubnaha ka ah
federaalka, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Hannaanka noocan ahi waxa uu
horseedayaa aasaas waara loo dhigo doorashooyinka 2026, wuxuuna kobcinayaa
midnimo qaran. Degdegga iyo meel soke wax ka raadinta waxaa laga dhaxlayaa
kala qaybsanaanta iyo kalsooni darroda oo sii xoogeysta.

2. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: Hufnaanta hannaanka
doorashadu waa lama huraan. Iyada oo aan loo eegin in doorashadu tahay mid
toos ah ama mid dadban, hannaan doorasho hufan oo caddaalad ahi waa inuu
Meesha ka saaraa dhaqannadii musuqmaasuqa, isla markaana dammaanad
qaadaya islaxisaabtan. Xarumo dhawr ah, oo uu ka mid yahay machadka Heritage,
ayaa soo bandhigay hannaano doorasho macquula ah, lana hirgelin karo, kuwaas
oo horseedi kara hab doorasho hufan, oo lagu kalsoonaan karo, taas oo ay
habboon tahay in ay dowladda faderaalku dhaqangaliso.

3. In Midnimada Qaranka laga hormariyo danaha siyaasadeed ee muddada dhow:
Madaxda Soomaalidu waa in ay damacooda shaqsiga ah ka horraysiiyaan
xasilloonida qaranka. Ma jiro hoggaamiye Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo
keligii rabitaankiisa ku jujuubi kara qaranka; hoggaamin dhab ah ee Soomaaliya
waxa ay u baahan tahay isu-tanaasul, wadaxaajood, iyo ku mitid xukun la
wadaago.

Ugu danbayn, madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu
waa in ay mudnaanta siiyaan hufnaanta iyo xalaalnimada doorashada, marka loo
barbardhigo nooca doorashada.

Ama halla hirgeliyo doorasho toos ah ama mid dadbane, jidka kaliya ee lagu soo
noolayn karo kalsoonida shacabku waa in Soomaaliya laga hirgaliyo doorasho
caddaalad ah oo ka madax bannaan talo-marooqsiga iyo musuqa madaxda federalka
iyo kuwa goboladda, taas ayaana lagu gaari karaa nidaam dimuqraadiyadeed iyo
mustaqbal siyaasadeed oo xasilloon. In dalka oo dhan laga qabto doorashooyin qof
iyo cod ah ayaa lafdhabar u ah guusha safarka doorashooyinka Soomaaliya.

Hirgelinta doorasho hufan loona dhan yahay, ayaa ah rejada ugu wanaagsan ee ay
Soomaaliya ku gaari karto nabad waarta iyo mustaqbal hagaagsan. Ka dhabaytna iyo
xaqiijinta riyadaasi waa masuuliyad saaran dhammaan hoggaanka siyaasadda
Soomaaliya.