Golaha Aqalka Sare oo loo gudbiyay dalab culus oo la xiriira khilaafka DF iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ka dalbaday inay soo fara-geliyaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Aqalka Sare laga doonayo in arrinta dowlad-goboleedka Puntland door fir-fircoon ka qaataan, maadaama si toos ah u metalaan dowlad-goboleedyada, si xal loogu helo tabashada ay qabto dowlad-goboleedkaas.

“Puntland way carootay iskumana aanay dayin oo caro ayay ku maqan tahay ee Aqalka Saroow naga hormara idinka hala idin aqbalo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo hortegay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya

Khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo loo rogay mid u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa salka ku haya dano shaqsi ah, iyada oo labada nin ay aad u kala fogaadeen tan iyo markii la magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo la sheegay inuu Deni si weyn u daneynayey.

Sidoo kale waxaa xiisadda uga sii darey tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia, oo ayadu baarlamaanka marsatay cutubyo kamid ah dastuurka, oo loo dhigay sida ay rabto, kuwaasi oo meesha ka saaraya hanaankii hore ee doorashooyinka dalka.

Puntland ayaa tan iyo markaas sheegtay inay si madax-banaan u dhaqmeyso inta laga dhameystirayo dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya, ayada oo eedeymo dhowr ah u jeedisay dowladda federaalka.

Inkasta oo ay socdaan dadaallo ay wakiiladda caalamka ku doonayaan in miiska wada-hadalka la isugu keeno madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana ma jiro illaa hadda wax isku dhowaansho ah oo labada dhinac ah.