Golaha wasiirada oo yeeshay kulan deg deg ah soona saaray qodobo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Golaha ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee caawa ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte).

Sidoo kale, Golaha ayaa kulankii caawa ku ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan  in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka.

Sidoo kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cuna qabataynta hubka.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada ay caawa yeesheen lagu ansixiyey heshiiska Difaaca ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Kulankaan ayaa qalqal galay caawa fiidkii hore kadib markii xildhibaanada gobollada waqooyi ay heleen xogta ah in kulanka lagu magacaabi rabo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad, taas oo caqabad iyo awood dhimis ku noqoneysa Saalax Jaamac.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo buuqii caawa ka dhacay xafiiska Ra’iisul WAsaaraha soo faro-geliyey ayaa amray in dib loo dhigo magacaabidda ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad, isagoo berri la kulmaya xildhibaanada gobollada waqooyi.