Golaha wasiirada Somaliland oo maanta ku dhowaaqay in loo diyaar garoobo difaaca…

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan waqtigiisa laga soo hormariyay, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uuna ku wehlinaayey ku-xigeenkiisa Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka, difaaca qaranka, caafimaadka, diyaar-garowga oddoroska miisaaniyadda 2025 iyo horumarinta kalluumaysiga.

Golaha Wasiirradu ayaa war-bixin guud oo la xiriirta amniga dalka ka dhageystay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabad-gelyada mandaqadda geeska Afrika.

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyey in doorashada Somaliland waqtigeedii lagu qabanayo, deegaannada Somaliland-na si adag looga difaacayo kuwa ay sheegtay inay isu soo bahaysateen inay waxyeelleeyaan qarannimadeeda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankan.

“Somaliland waajib ayey ku tahay inay sidaa ugu diyaar garoobaan doorashada iyo difaaca qarankaba,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Somaliland, oo loogu goodiyay dhinacyo ay sheegtay inay usoo hanjabayaan oo colaaddu u cusub tahay.

Dhinaca kale, golaha ayaa warbiximo ka dhageystay wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo golaha xog-warran ka siiyey arrimaha dhaqan dhaqaale iyo diyaar-garowga odoroska miisaaniyadda 2025 ee dalka, horumarinta caafimaadka oo ku dheeraaday xaaladda xannuunada kala duwan ee ay ka mid ka tahay xummadda (Dengue fever) oo Somaliland ka jirtay muddooyinkii u danbeeye.

Golaha ayaa sidoo kale waxaa lala wadaagay qorshaha kobcinta horumarinta kalluumaysiga dalka oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Somaliland iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa kalluunka dalka.

Ugu dambeyntiina golaha wasiirrada ayaa waxa taariikhda markii u horaysay loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka ciqaabta guud ee Somaliland, oo ay golaha keenneen wasiirka xiriirka golayaasha qaranka Cabdinaasir Buuni iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiraxmaan Hayaan.