GOLE ka dhisan dunida oo si rasmi ah looga daah-furay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga daah-furay Gole ay ku mideysan yihiin Safiirada waddamada Carabta u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Daah-furka golahan oo ay goobjoog ka ahaayen mas’uuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda, safiirada Carabta ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo marti sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda golahan.

Golahan ayaa ah mid inta badan ka dhisan waddamada dunida, waxaana loogu tala-galay inuu xoojiyo isku xirnaanta howlaha waddamada Carabta iyo wada-shaqaynta wakiiladooda.

Furitaanka golahan ayaa lagu sheegay “mid kamid ah qorshaha xafiiska Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya uu ku doonayo in kor loogu qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Carabta iyo Soomaaliya.”

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneyso xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradaha Carabta ee dalkeena.

Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha laga daah-furay magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya.

“Waxaa dhaweynaynaa tallaabadan muhiimka ah ee muujineysa xiisaha ku aadan dhanka howl-galka Jaamacadda Carabta ee ku wajahan arrimaha Carabta. Waxaa naga go’an inaan xoojinno xiriirka aan la leenahay walaalaheen Carbeed si loo gaaro mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeena,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Waxa kale oo uu ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xad-gudbka ay kula kacday Itoobiya.

“Soomaaliya mar walba waxay awood ku leedahay walaalaheeda Jaamacadda Carabta, go’aamadii ugu dambeeyay ee ay Jaamacadda Carabta kasoo saartay xad-gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah midnimada iyo wadajirka geyiga Soomaaliyeed waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay Jaamacadda inay Soomaaliya ka taageerto qalalaasaha gudaha iyo dibadda ah.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer la’leh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale ururka iskaashiga Islaamka ee OIC.